Guddiga Olombika Soomaaliyeed  ayaa ka qeyb galay  kulan  ay soo qaban qaabisay   Olympic Solidary kaasoo ka dhacay  Magaalada Lusaka ee dalka Zambia, waxaa kasoo qeyb  galay 61  wakiil  oo ka socday  wadama Luqada Ingiriiska ku hadla ee  qaaradda  A frika oo ay Soomaaliya ka mid  tahay waxaana  Soomaalaiya uga qeyb galay Guddoomiyaha  GuddigaOlombika Soomaaliyeed   Mudane  Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo Faarax Cali Macalin oo ka tirsan Xoghaynta GOS.                        
	
		
	
		
	
		
	Waxaa kulanka oo socday mudo 20- ilaa 24 April  lagu soo
bandhigay qaabka ugu wanaagsan oo ay wadamada qaaradda afrika uga faa’iideysan
karaan qorshaha Horumarinta Olmymic Solidarity ugu talo gashay qaaradda.
	
		
	Madaxa Arimaha Tababarada Olympic Solidarity isla markaana
ah u qaabishanaha Qaaradda yurub Yassine Yousfi, oo xafladda furitaanka ka
hadlay ayaa sheegay in kulanka ujeedkiisu yahay sidii qorshaha 2017-2020 ee Tababrada , Horumarinta Macalimiinta iyo
ciyaartoyda iyo Qeybaha Tiknoolajiyada. waxuuna wakiilada ka qeyb galaya kula
dardaarmay in ay ka faa’iideystaan
Fursadan.
	
            
		
	Masuuliyiinta Guddiga Olombikada ayaa markii kulanka soo
idlaatay kulamo la qaatay Masuuliyiinta Olympic Solidarity waxayna u gudbiyeen
waxyaabaha ugu muhiimsan Guddiga Olombika Soomaaliyeed u baahan yahay in laga
taageero qorsha 2017-2020.
	Waaxda warfaafinta
GOS 
	Info@nocsom.com
	                                              
GOS Oo Ka Qeyb gashay Olympic Solidarity Forum 2017
Guddiga Olombika Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay Olympic Solidary kaasoo ka dhacay Magaalada Lusaka ee dalka Zambia, waxaa kasoo qeyb galay 61 wakiil oo ka socday wadama Luqada Ingiriiska ku hadla ee qaaradda A