Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed oo magaalada Muqdisho ku qabtay shirkiisi labaad ee Guddigiisa Fulinta sanadkan

1
Friday March 27, 2020 - 13:33:31 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 4081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed oo magaalada Muqdisho ku qabtay shirkiisi labaad ee Guddigiisa Fulinta sanadkan

    Shirkan uu shir guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad Axmed Cabdi Xasan Wataac, ayaa looga hadlay waxyaabihi GOQS u qabsoomay saddexdi bil ee lasoo dhaafay iyo qorshaha saddexda bil ee soo aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan uu shir guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad Axmed Cabdi Xasan Wataac, ayaa looga hadlay waxyaabihi GOQS u qabsoomay saddexdi bil ee lasoo dhaafay iyo qorshaha saddexda bil ee soo aadan.




 

Xoghayah guud ee Guddiga Olombikada qaranka SoomaaliyeedMaxamed Cabdow Xaaji oo Xubnaha Guddiga Fulinta u faahfaahiyay howlihii qabsoomay ayaa xusay in ayXulalka qaranka Taekwond-ga iyo Feerka ay ka qeb galeen laba Isreeb oo ciyaaraha Olombikada adduunka loogu soo baxayo dadaaalo badan ay muujiyay heerarka ugu dmabeeyana ay soo gaareen iyagoo fursad kale u haysta ciyaara Dhacdooyinka dunida feerka iyo Takwondo-hga oo ay natiijooyin ka keeni karaa.



Sidoo kale waxuu Xoghayaha Xusay in Guddiga Olombikada Adduunka ay sanad dib u dhigi doonaan ciyaaraha Olombikada adduunka 2020, saamaynta Caabuqa karoona Virus uu dunida ku yeeshay Awgiis, taasooculeys ku keenaysa ciyaartoyda heerka caalami ee ciyaraha Fudud ee xerada kujira, basle si guud loo baahan yahay in dadaal loogu galo sidii ay xerada ugu sii jrin lahaayeen tababarkodoa usii wadan lahaayeen.


Dhanka kale waxaa Shirka uu Xoghayaha kusoo bandhigay QorshooyinkaHorumarinta ay Horay GOQS u ballaanqaday kuwaas oo kamid ahaayeen horumarinta mudnaan siinta iyo ka warqabka ciyaartoyda Soomaaliyeed oo meel wanaagsan maraya, iyo QorshahaHorumarinta Gobollada oo garoomodhowr dhacdo oo isboorti marti gelin kara loogu dayac tirayo magaalada Dhuusamreebiyo qabashada Ciyaaraha Isdhexgalkanabadda horumarinta oo sanadki hore lagu qabtay Gaalkacyo sanadkanna Dhusamreeb lagu qaban doono isla markaana la qorsheynayo iyo sanadaha soo socda la gaarsiiyo Gobolada kale ee dalka.


Dhanka kale waxaa Shirka lagu soo bandhigay XiriiradaBadminton-ka Baaskiilka iyo Judo-gaoo waxqabad ay ku mutaysan karaanxuquuqda Xubunimo soo bandhigay waxaana lasku raacay in Shirweynaha loo gudbiyo.


XubnahaGuddiga Fullinta ayaa soo dhaweeyay Howlaha la qabtay iyo kuwa qorsheysan, waxaana Ugu dambayn shirka Soo xeray Ku simaha Guddoomiyaha AhnaGuddoomiye ku xigeenka koowaad Ahmed Cabdi Xasan Wataac.


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.