Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo ka Qeyb Gashay Congress 17aad ee ANOC

0
Thursday October 21, 2010 - 13:40:13 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo ka Qeyb Gashay Congress 17aad ee ANOC

    Waxaa ka furmay maalintii talaadada 19 Oct 2010 magaalada Acapulco ee cariga Mexico shirweynihii 17aad ee urur weynaha Olympicada qaramada adduunka (Associationa of National Olympic Committees).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ka furmay maalintii talaadada 19 Oct 2010 magaalada Acapulco ee cariga Mexico shirweynihii 17aad ee urur weynaha Olympicada qaramada adduunka (Associationa of National Olympic Committees). Shirkaan waxaa la qabtaa labadii sanaba mar.  Maalintii Talaadada 19/10 waxaa gooni gooni u kulmay qaaaradaha kala duwan sida Africa (ANOCA), Asia (OCA), Americas (PASO) Europe (EOC) iyo Oceana (ONOC).  Shirkaan waxaa Somalia uga qayb galaaya Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee GOS Duran A. Farah, kulankii ANOCA waxaa maamulka ka warbixiyeen horumarkii iyo waxqabadkii uu ku talaabsaday ururku.  Maalintii Arbacada 20/10 ayaa waxaa furmay shirweynihii 17aad ee ANOC waxaana si rasmi u furay madaxweynaha dalka Mexico Filipe Calderon, dabadeedna waxaa la guda galay hawlihii shirka, waxaa 4 sano oo danbe loo doortay Mario Vasques Rana oo u dhashay dalka Mexico inuu ahaado madaxa ANOC, asagoo urukan madax ka ahaa tan iyo markii la asaasay 1979.  Shirkaan oo socon doona ilaa iyo maalinta axadda 24/10 ayaa waxaa xusid mudan in ay kasoo qayb galayaan shirkaan wasiirada sportiga ee addunka markii ugu horeysay iyadoo la doonayo in la isla meel dhigo sidii dawladahu gacan u siin lahaayeen guddiyada Olympicada qaramada si wax loogu taro dhalinta soo koeysa. Habeenimadii Arbacada 20/10 waxaa wafdiyadii casho sharaf u sameeyey Guddiga Olympicada Mexico. Xafiiska Warbaahinta ee GOS


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.