Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Ahdaafta Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.

Aragtideena dheer:

" In aan ku hogaamino umadda Soomaaliyeed sidii ay ugu naaloon lahaayeen nolol nabadgelyo leh anagoo adeegsanayna cayaaraha (Sport) ".

Hadafkeena:

" Horumarinta, abaabulidda iyo difaacidda dhaqdhaqaaqa Olimbikada ee gudaha dalka Soomaaliya anagoo tixraacayna dastuurka iyo shuruucda u degsan Guddiga Olimbikada Adduunka".

Shaqadeenu waa:

  • Abaabulidda, sare u qaadida, maamulidda, isku-duwidda iyo dhiirigelinta tartamada cayaaraha kala gedisan ee gudaha dalka Soomaaliya ayadoo la tixraacayo dastuurka u degsan guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo sidoo kale dastuurka iyo qaanuunka guddiga olimbikada adduunka.

     

  • Tixgelinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa olimbikada dalka gudihiisa ka socda ayadoo la meelmarinayo shuruucda GOS iyo IOC iyo sidoo kale in laga difaaco dhamaan tartamada cayaaraha anshax-xumada iyo faragalin nooc kasta leh.

     

  • Maalgelinta, diyaarinta, qabanqaabinta iyo xukumidda ka qaybgalka cayaaraha olimbikada adduunka.

     

  • Dhamaynta khilaafaadka ka dhex aloolsamaya xubnaha iyo ururada ugu xiran GOS sida tooska ah iyo sida dadbanba ayadoo la raacayo xeerarka u degsan Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.

     

  • Baadigoobka iyo maamulidda dhaqaalo lagu maamulo hanaan u socodka howlaha GOS, tartamada kala gedisan ee uu qabanqaabiyo GOS, sare u qaadidda aqoonta shaqaalaha maamula GOS, macalimiinta cayaaraha kala gedisan iyo waliba cayaartoyda.

     

  • Baadigoobka iyo maamulidda dhaqaalo lagu horumariyo garoomada cayaaraha kala gedisan ee dalka kuwaasoo isugu jira dhisidda kuwa cusub ama dayactirka kuwa hadda jira ee burbursan.

     

  • Bixinta kharashka xubinimada ee Guddiga Olimbikada Adduunka, kan qaaradda Africa iyo kan dalalka carabta oo uu guddiga olimbikada soomaaliyeed ka yahay xubin buuxda.

     

  • Iyo ugu dambayntii la shaqaynta hay’adaha dawliga ah sida wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, wada shaqayntaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo iswaydaarsi shaqo aan shuruud lahayn isla markaana ka madax banaan faragelin toos ah iyo mid dadbanba,taasoo irdaha u furaysa dalbashada GOS ee dhaqaalaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn intaba.

Dastuurka:

Halkan ka akhriso dastuurka GOS

 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.