Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

XSCF oo Qabtay Tartanka 16-aad Koobka Jen. Daa`uud Ciyaaraha Fudud

0
Wednesday December 22, 2010 - 17:41:30 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XSCF oo Qabtay Tartanka 16-aad Koobka Jen. Daa`uud Ciyaaraha Fudud

    Tartanka 16-aad Koobka Jen. Daa`uud Ciyaaraha Fudud ee ayaa waxaa ka furmay garoonka Dugsiga Sare Booliska [Scuola Plozia] ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa inuu socda 21-24/12/2010 iyadoo lagu tartamayo qeybaha kala duwan ee ciyaaraha fudud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka 16-aad Koobka Jen. Daa`uud Ciyaaraha Fudud ee ayaa waxaa ka furmay garoonka Dugsiga Sare Booliska [Scuola Plozia] ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa inuu socda 21-24/12/2010 iyadoo lagu tartamayo qeybaha kala duwan ee ciyaaraha fudud. Xafladda furitaanka oo ayaa waxaa  ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan, waxaana ugu horeyn ka hadlay kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka XSCF Drs. Khadiijo Aadan Daahir, waxayna tibaaxday in koobka Jen. Daa`uud ee Ciyaaraha Fudud uu yahay tartan qiimo weyn ku fadhiya, waxayna ku dartay inay  ciyaaryahanada u tahay fursad ay ku muujiyaan awoodooda dhinaca ciyaaraha Fudud xiriirkuna uu qiimeyn doono orodyahanada ku Guuleysta tartankan. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka  GOS Xasan Axmed Cabdi [Elman] wuxuuna tilmaamay  muhiimadda Isboortiga iyo sida loogu baahan yahay in la kordhiyo  qabashada tartamada iyo horumarinta ciyaaraha wuxuuna XSCF ku amaanay sida weyn ee uu ugu dhabar adeegay qabashada tartamada.  ugu danbeyntii wuxuu ku dhawaaqay tartanka inuu furan yahay. Si kastaba,  Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud  ma`aha markii ugu horeysay ee  ay qabtaan tartarmo noocan oo kale ah waxaana lagu tilmaamaa xiriirada ugu firfircoon ee dhaqdhaqaaq ka sameeya  caasimadda magaalada Muqdisho oo ay hareeyeen dagaalo. Xafiiska Warbaahinta GOS


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.