Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo xustay maalinta Olombikada aduunka

0
Saturday June 25, 2011 - 19:19:11 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo xustay maalinta Olombikada aduunka

    Shalay gellinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagusoo gaba gabeeyay tartamo isboorti oo muddo 2 maalmood ah soconayay kuwaas oo guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu ku weyneynayay maalinta Olombikada aduunka ee Olympic Day.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay gellinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagusoo gaba gabeeyay tartamo isboorti oo muddo 2 maalmood ah soconayay kuwaas oo guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu ku weyneynayay maalinta Olombikada aduunka ee Olympic Day. Munaasabada Olombikada aduunka ayaa waxaa lagu xusay cayaaro noocyo kala duwan ah sida: Kubada cagta, Cayaaraha Fudud,  Karatee ,Tekwaanduga,Hidaha yo dhaqanka, xarig jiid iyo kuwo kale oo fara badan.   Intaas ka dib guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Gacanta ahna guddoomiyaha gudidga qaban qaabada xuska maalinta Olympic day Md. Maxamed Xuurshe Xasan [Eenoow] ayaa sheegay  in munsaabadan oo  socotay muddo labo maalmood ay ku soo bandhigeen xiriirada iyo bahda isboortiga dabaaldeg-yo iyo ciyaaro lagu weyneynayo maalinta Olambikada Adduunka, wuxuuna sheegay in sanadaha soo socda ay GOS u qorsheysan tahay inay ka sii qurxiyaan hanaanka munaasabada sida haatan loogu dabaal-degay. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Feerka Xaaji  Maxamed Axmed Coloow oo ku hadlay magaca guddoomiyaha GOS ayaa sheegay inay farxad u tahay sida wanaagsan ay dadka Soomaaliyeed uga qeybqaateen munaasabadan caalamiga ah, wuxuuna sheegay in tani cadeyn u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay yahiin dad Isboorti."Waxaan u mahadcelinaynaa IOC, Youth Link, Shirkadda Telcom Somalia, dadweynaha Soomaaliyeed ee Isboortiga jecel, warbaahinta  iyo dhamaan intii gacanta lama iloobaanka ka gaystay maalintan qaaliga, waxaana isku soo baxyadii, dabaal-degyadii iyo tartamadii aan qabanay muujinaysaa inaan nahay shacab Isboorti" ayuu ku soo xiray Md. Xaaji Coloow. Guddoomiyaha Degmada Waberi  Axmed  Meyre Makaraan ayaa dhinaciisa sheegay inuu ku faraxsan yahay howlaha Isboorti ee dalka ka soconaya waqtigan adag  iyo sida weyn ay maalinta Olympicda ay shacabka Muqdisho ugu soo baxeen, wuxuuna sheegay in maamulkooda markasta u taagan yahiin dhiirigelinta Isboortiga. Munaasabadda Olambikada  Adduunka oo sanad walba 23ka June  laga xuso dalalka Caalamka  ayaa waxaa sanadkan uu yahay sanadkii saddexaad ee lagu soo koobay Olympic Day iyadoo hore loo oran jiray (Olympic Day Run),  guud ahaan munaasabaddan ayaa waxaa caasimadda  Soomaaliya  ee Muqdisho looga xusaya si  weyn.    Waxaa  goob joog ka ahaa munaasabadii xuska maalinta Olombikada aduunka  Maamulka Degmada Waberi, Mas`uuliyiin ka socotay xiriirada kala duwan sida Kubadda Cagta, K/Koleyga, Gacanta, Laliska iyo Feerka Maxamed  Axmed Coloow (Xaaji Coloow), Saciid Maxamed Nuur [Mugaanbe], Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Maxamed Xuurshe Xasan [Eenoow], Prof. Maxamed  Cali Caddoow guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee cayaaraha Fudud Marwo Khadiijo Aadan daahir iyo masuuliyiin kale. Somali NOC Media Department


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.