Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Sannad Guuradii 30aad ee asaaskii ANOCA iyo shir sanadeedkedii oo lagu soo gabagabeeyey caasimada Toogo ee Lome

0
Thursday June 30, 2011 - 00:23:14 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sannad Guuradii 30aad ee asaaskii ANOCA iyo shir sanadeedkedii oo lagu soo gabagabeeyey caasimada Toogo ee Lome

    Waxaa ka socday maalmihii 27 - 28/06/11, magaalada Lome ee waddanka Toogo, dabaaldegga sannad guuradii 30aad ee xilligii la aasaasay ururka Association of National Olympic Committees of Africa (ANOCA) iyo shirweynihii aan caadiga aheyn ee xubnaha AN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ka socday maalmihii 27 - 28/06/11, magaalada Lome ee waddanka Toogo, dabaaldegga sannad guuradii 30aad ee xilligii la aasaasay ururka Association of National Olympic Committees of Africa (ANOCA) iyo shirweynihii aan caadiga aheyn ee xubnaha ANOCA. Kullankaan oo ay kasoo qayb galeen madaxda dhamman waddamada xubnaha ka ah ANOCA iyo marti sharaf kale oo fara badan oo ay ka mid ahaayeen madaxda IOC, ANOC Olympic Solidarity iyo magaalooyinka oo tartamaya marti galinta cayaaraha Olympicada qaboobaha ee 2018 sida; Annecy (France), Munich (Germany) iyo Pyeongchang (Korea). Sidoo kale waxaa ayakuna goobjoog ahaa madaxda magaalooyinka u tartamaya martigalinta cayaaraha Commonwelth-ka oo kala ahaa, Gold Coast (Australia) iyo Hambantota (Srilanka). Waxaa iyaguna warbixin dheer ka bixiyey shirka Hawl wadeenada magaalada marti galineysa cayaaraha Olympicada 2012 ee London siiba qaybta qaabilsan qaaradda Africa,oo aad uga waramay sida ay ugu diyaar garoobeen marti galinta wufuudda ka qayb galeysa cayaarahaas. Waxaa shirka  furay  Raisal wasaaraha dalka toogo oo uu madasha ku soo dhaweeyey Guddomiyaha Olympicada TOGO.  Wuxuu aad ugu mahad celiyey ANOCA iyo Togo NOC sida ay u sharfeen waddankiisa in lagu qabto xafladdan xusuusta mudan.  Sidoo kale wuxuu ka mahad celiyey in waddankiisu ka mid noqday kuwa ay ANOCA ka dhiseyso Olympic Africa Centre oo beri uu dhagaxdhigaayo madaxweynaha Togo. waxaa kaloo xafladda furitaanka ka hadlay Guddomiyaha IOC DR. Jacque Rogue uguna hambalyeyey ANOCA sannad guurada 30aad ee xilligii la aasaasay.  Wuxuu kaloo aad ugu nuuxnuuxsaday muhiimadda madax banaanida dhaqdhaqaaqa Olympicada (Olympic Movement) asagoo ka codsaday madaxda dawaldaha Africa iney caawiyaan lana shaqeeyaan Guddiyada Olympicada waddamadooda oo aysan caqabad ku noqon, sida dhacda marar badan. Waxaa iyagan goobta ka hadlay Guddomiyaha ANOCA General Lassana Plenfo, oo ku dheeraaday taarikhda iyo wax qabadka ANOCA.  Markii lagu asaasay isla magaaladan 30 sano ka hor maanta oo kale xubnaha ANOCA waxay ahaayeen 33 waddan haddana waa 53 waddan oo mar dhowna noqon doona 54 marka ay kusoo darsanto Koonfurta Sudan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.