Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kulankii Madaxda wufuudda tartanka cayaaraha Carabta oo lagu soo gabagabeeyey magaalada DOHA

0
Thursday June 30, 2011 - 01:40:07 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Madaxda wufuudda tartanka cayaaraha Carabta oo lagu soo gabagabeeyey magaalada DOHA

    Waxaa Magaalada Doxa ee dalka Qatar lagu soo gabagabeeyey shirkii madaxda wufuudda tartanka cayaaraha Carabta (Chef De Missions). Waxaa Shirkaas Guddiga Olympicada Somaliyeed uga qeyb galay macallinka qaranka Somaliyeed ee kubbadda Koleyga ahna madax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Doxa ee dalka Qatar lagu soo gabagabeeyey shirkii madaxda wufuudda tartanka cayaaraha Carabta (Chef De Missions). Waxaa Shirkaas Guddiga Olympicada Somaliyeed uga qeyb galay macallinka qaranka Somaliyeed ee kubbadda Koleyga ahna madaxa wafdiga Somaliyeed ee ka qeyb galaaya tartanka waddamada Carabta Cumar Cabdulqadir Baarajab. Baarajab wuxuu shirka ka aqriyey warbixin aad u dheer oo meelo badan taabaneysa, iyadoo uu uga war bixiyey marxaladda guud ee dalka Somaliya iyo heerka isboorti ee hadda uu marayo waddanka Somaliya, taasoo ay aad ula dheceen dhammaan wufuuddii kasoo qayb gashay  Baarajab oo aan la xiriirnay asagoo ku sugan magaalada Doha ayaa noo sheegay, ka sokow qudabada uu shirka ka jeediyey inuu si gaar ah ula fariistay wufuud kala duwan iyo madaxda Oliympicada Qatar sida Xoghayaha guud ee Qatar NOC Sheekh Sacuud Bin Abdulrahman Aala-Thani    Gudoomiyaha gudiga fulinta Khalid Al Muhanadi iyo la taliyaha Sheekha Khalid Al Mawlawi, runtii arintii Somaliya iyo daruufaheeda ayaan ka wada hadalnay waxaan u soo bandhigay iyadoo arintaan loo xilsaaray in si qoraal ah uu u qoro la taliyaha Sheekha Al Mawlawi, ayuu yiri Baarajab.  waxaana ka mid ah arimaha aan kala hadalnay madaxda Qatar:   1- Iney noo oggoladaan wafdi iyo cayaartoy ku filan Somaliya oo ay aad usoo dhaweeyeen una ballan qaadeen.2- In aan nimaadno 3 asbuuc ka hor ciyaaraha carabta oon ku xaroono Doha, taasna way iga aqbaleen, waxay yiraahdeen waxba kama qabno arintaas.3- In Somaliya laga caawino xagga qalabka iyo garoomada, taasna waa noo balan qaadeen. Maalintii labaad ayaa waxaa la guda galay in wafdigu kormeer kusoo maraan garoomada loogu tala galay in lagu qabto tartanka Carabta bisha November 2011 oo ka kooban garoomo loogu tala galay cayaaraha kala duwan. Waxaa ka muuqday diyaargarow aad u weyn, iyadoo ay hadda noqotay Qatar waddan Isbortiguusu aad u hormarsan yahay ayakoona qabanay koobka adduunka ee kubadda cagta Waxaan rajeynaayaa iney Somalia kasoo hoyso guulo la taabn karo tartankaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.