Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xafladda Xiriitaanka Koobka Koobabka ee XSKK

0
Wednesday July 27, 2011 - 19:30:30 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafladda Xiriitaanka Koobka Koobabka ee XSKK

    Xriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay xaflad si heer sare loo soo agaasimay. Xafladaas ayaa lagu bixinaayey abaalmarinadii tartanka 26aad ee koobka Jeneraal Daa'uud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay xaflad si heer sare loo soo agaasimay. Xafladaas ayaa lagu bixinaayey abaalmarinadii tartanka 26aad ee koobka Jeneraal Daa'uud. Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinaca GOS iyo XSKK iyo bahda Isboortiga qeybahiisa kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi qudbad ka soo jeediyey Guddoomiyaha X.S.K.K Ibraahim Xuseen Cali (ROOMBO) wuxuuna tibaaxay inuu tartankan uu ahaa mid Taariikhi ah oo xilli adag oo ay dagaalo ka jireen magaalada Muqdisho Xiriirka, madaxada kooxaha, Tababarayaashaiyo ciyaartoyda ay u dhabar adeegeen habsami u socodka tartanka oo si xiiso badan ku soo idladay."Waad la socotaan inaan qabanay Koobka Koobabka Jen. Daa`uud oo qiimo weyn inoogu fadhiya waana u dhabar adeegnay inaan qabano waqti aad u adag oo ay dagaalo si xowli ah ku socdeen � waan ku guuleysanay inaan si qurux badan ku dhameyno , waxaana ku mahadsan dhamaan intii nagala qeybqaatay oo ay ka mid yahiin GOS, Maamulka Degmada Xamar Jajab, Madaxda Kooxaha, Tababarayaasha iyo Ciyaartoyda K/Koleyga�. �Waxaa xasuus mudan farxad inaan tartankan u adeegsanayno aalad casri ah oo dhibcaha lagu qorayo {Score Board-24 secs Shot Clock}, sidoo kale waxaa ka qeybgalaya 9 kooxood tartankan ku soo bandhigay ciyaar wanaagsan."ayuu yiri Guddoomiyaha XSKK Mudane Ibraahim [ROOMBO] oo ku daray inuu aad ugu Mahadcelinayo Jaamacadda Plasma oo gacan ka gaysatay xafladda gunaanadka tartan Je.Daa�uud. Xoghayaha Guud Guddiga Olambikada Soomaaliyeed C/llaahi Axmed Tarabi ayaaku ammaanay XSKK inuu muujiyay karti iyo baaxad leh, wuxuuna ku booriyay inay sii labalaabaan dadaalka ku aadan horumarinta Kubadda Koleyga.�Waxaa Isboortiga dhaqdhaqaaqiisa lagu qabanayaa dal ay xaalad adag ay ka jirto Xiriirada hoos yimaada GOS waa wax muuqda waxqabadkooda, dadka qaarkii ayaa iminka gartay inaan ku socona wado xaq ah oo aan ku horumarinayno Isboortiga - Inta harsan iyagaa garan doona in Isboortiga Soomaaliyeed uu mudan yahay mar walba in loo dhabar adeegayo horumarintiisa� ayuu ku soo xiran Md. Tarabi. Si kastaba, Xubnaha ka soo qeybgalay Xafladadan ayaa waxaan ka xusi karnaaXoghayaha Guud ee GOS C/llaahi Axmed Tarabi, Guddoomiyaha K/Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow}, Guddoomiyaha XSKL Prof. Caddow, Guddoomiyaha XSF Xaaji Coloow, Kusimaha Guddoomiyaha XSCF Khadiijo Daahir , Xoghayaha XSKL Cawil Nuur Magan, madax xiriirada kala duwan ee GOS, G.O.D/Xamar jajab Xabiib Maxamed Saciid, Madaxda kooxaha K/Koleyga, Ciyaartoyda, Tababarayaal, Garsoorayaal iyo, Ciyaartoydii hore ee magaca ku lahayd K/koleyga, iyo marti sharafka socota Ururada Bulshada rayidka Soomaaliyeed. Guud ahaan xafladan oo abaalmarino kala duwan lagu bixiyay ayaa ku soo idlaatay jawi aad u qurux badan. ABAALMARINADA Kooxda HEEGANKaalinta 1aad(Koob iyo Ciyaartooyda oo la Siiyey Billado Dahab ah)Kooxda DEKEDDAKaalinta 2aad(Koob iyo Ciyaartooyda oo la Siiyey Billado Qalin ah)Kooxda PLASMA UNIVERSITYKaalinta 3aad(Koob iyo Ciyaartooyda oo la Siiyey Billado Maarah)Gool DhallintaSiid Cali KuukaaySeddaxda Tuurasho[3 Points] Cabdulqaadir IdriisCiyaar WanaagCabdifataaxMaxamed Macow ( Bukaale)Garsooraha ugu Dadaalka BadnaaZakariya Mocallim NuurTababarahaugu FiicnaaIbrahim Xusein Nuur (Abariyow )Shaqsiyaad Gacan ka gaystay Tartankaiyo Warbaahintaoo Shahaado Waaxda Warbahinta ee GOS


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.