Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddoomiyaha GOS oo diraya hambalyo munaasabada ciida awgeed.

0
Sunday November 06, 2011 - 08:21:36 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha GOS oo diraya hambalyo munaasabada ciida awgeed.

    Wax yar ka hor bilashada ciida Al Adxa oo ka mida ciidaha ugu waaweyn Islaamka ayaa guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan xaji yabarow (Wiish) waxaa uu dhambaal hambalyo ah udray dhamaan umadaha Muslimiinta gaar ahaana shacabka Soomaaliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax yar ka hor bilashada ciida Al Adxa oo ka mida ciidaha ugu waaweyn Islaamka ayaa guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan xaji yabarow (Wiish) waxaa uu dhambaal hambalyo ah udray dhamaan umadaha Muslimiinta gaar ahaana shacabka Soomaaliyeed munaasabada ciida awgeed. "Anigoo ku hadlaya magaca guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan kuwa Muslimiinta ah ugu hambalyeynyaa meel kasta oo ay caalamka ka joogaan munaasabada ciidul Adxa oo astaan u ah dhamaadka gudashada waajibaadka Xajka oo ah rukniga 5-aad ee diinta Islaamka"ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku yiri guddoomiyaha GOS aadan Xaaji yabarow (Wiish). "Sanadkan sanadkiisa waxaan Allah ka baryayaa in shacabka Soomaaliyeed uu ku gaarsiiyo nabad, barwaaqo, horumar islamarkaana uu ka saaro dhibaatada mudada dheer ay kusoo dhex jireen"ayuu guddoomiyuhu ku yiri war saxafadeedkiisa. Shacabka soomaaliyeed waxaa muddo ka badan 20 sanadood ay soo dhex dabaalanayeen dagaalo sokeeye iyo dhibaatooyin kale oo farabadan waxaana guddoomiyuhu uu u rajeeyay in ciidan ciida xigta uu Allah kusoo beego xili shacabka Soomaaliyeed ay ku raaxeysanayaan nabad iyo horumar. Somali NOC Media Department


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.