Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka Shataranjiga iyo maamulayaasha dugsiyada oo kulmay

0
Monday November 07, 2011 - 17:27:21 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Shataranjiga iyo maamulayaasha dugsiyada oo kulmay

    Xarunta ururka Midowga ardayda ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ballaaran ku yeeshay Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya iyo maamulayaasha shan dugsi oo ku yaala Gobolka Banaadir, kulankaasi oo looga hadlayay diyaar garowga tartank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta ururka Midowga ardayda ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ballaaran ku yeeshay Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya iyo maamulayaasha shan dugsi oo ku yaala Gobolka Banaadir, kulankaasi oo looga hadlayay diyaar garowga tartanka ciyaarta Shataranjiga ee ardayda dhigata dugsigaasi. Kulanka waxaa kale oo looga hadlay tayada ardayda baratay ciyaarta Shataranjiga khibradda iyo aqoontooda heerka ay gaarsiisan tahay, iyadoo macallimiinta dugsiyada Guddoomiyaha xiriirka Shataranjiga Soomaaliyeed Md. Axmed Cabdi Xasan (Wataac) ay uga warbixiyeen ardaydii iyagu baranayay ciyaarta Shataranjiga.Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Axmed Cabdi Xasan ayaa ku ammaanay macallimiinta dugsiyada xiriirkiisu la leeyahay wada shaqeynta doorkooda ku aadan barashada ciyaarta Shataranjiga, wuxuuna Guddoomiye Wataac u ballanqaaday ardayda dugsiyada gobolka Banaadir ee aan fursadda u helin barashada ciyaarta Shataranjiga inuu gacan ku siinayo sidii ay u baran lahaayeen ciyaarta Shataranjiga.Macallim Carabow oo ka mid ah macallimiinta dugsiga Hoyga Xamar ayaa sheegay in ardayda dhigata casharada Shataranjiga ay iyagu ka qeyb qaadan karaan tartanka ciyaarta shataranjiga ee dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho.Wuxuu sheegay inay jiraan arday kale oo soo codsaday inay bartaan ciyaarta Shataranjiga, wuxuuna Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ka codsaday inuu ku gacan siiyo sidii ardaydaasi ugu biiri lahaayeen bahda Shataranjiga.Dhinaca kale Guddoomiye Axmed Cabdi Xasan (Wataac) ayaa macallimiinta dugsiyada ee uu maanta la kulmay waxa uu u sharxay qaabka uu u dhici doono tartanka ciyaarta Shataranjiga oo ay ka qeyb qaadanayaan wiilal iyo gabdho, kaasi oo loo qabanayo dhammaanba ardayda ciyaarta Shataranjiga baratay. Somali NOC Media Department


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.