Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Bahwaynta sport ga adduunka oo ka tiiraanyeysan geerida madaxda Sport ga Soomaaliyeed.

0
Thursday May 10, 2012 - 23:03:20 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bahwaynta sport ga adduunka oo ka tiiraanyeysan geerida madaxda Sport ga Soomaaliyeed.

    Waxaa ku soo dhacaya xafiiska guddoomiye-ku xigeenka guddiga olimbikada Soomaaliyeed waraaqo tacsi ah oo ka kala imaanaya madaxda sport ga adduunka iyo waliba shacabka Soomaaliyeed ee sport ga jecel kuwaasoo aad uga tiiraanyeysan geeridii naxdinta la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ku soo dhacaya xafiiska guddoomiye-ku xigeenka guddiga olimbikada Soomaaliyeed waraaqo tacsi ah oo ka kala imaanaya madaxda sport ga adduunka iyo waliba shacabka Soomaaliyeed ee sport ga jecel kuwaasoo aad uga tiiraanyeysan geeridii naxdinta lahayd ee shalay ku timid guddoomiyayaashii GOS iyo XSKC Aaden Xaaji Yabarow (wiish) iyo Siciid M Nuur (Mugaambe). Madaxda soo gaarsiisay tacsida ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyayaasha guddiyada olimbikada adduunka, kan Afrika, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta adduunka, guddoomiyayaasha guddiyada olimbikada dalalka aan saaxiibka nahay iyo madax badan oo ka mid ah madaxda sport ga adduunka oo dhamaantood ka tiiraanyeysan geeridan sida foosha xun ku timid ee ka dhacday magaalada Mogadishu kuna timid madaxdii sport ga soomaaliyeed. Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Adduunka Dr Jacques Rogge oo qoraal soo gaarsiiyey guddiga olimbikada soomaaliyeed ayaa sheegay sida uu uga xunyahay qaraxan ka dhacay magaalada mogadishu isla markaana uu cambaaraynayo falkan argagaxa leh ee ay naftooda ku waayeen laba shaqsi oo aad ugu hawlanaa sidii ay nolosha dhalinyarada soomaaliyeed u badali lahaayeen ayagoo isticmaalaya awoodda cayaaraha, wuxuuna gabagabdii uga tacsiyeeye qoysaskii iyo waliba bahwaynta sport ga adduunka asagoo dhinaca kalena xaqiijiyey in ay garab taagan yihiin guddiga olimbikada soomaaliyeed gaar ahaan xiligan adag. Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada qaaradda Afrika Lasana Palenfo oo asaguna qoraal tacsi iyo murugo xambaarsanaa soo gaarsiiyey guddoomiye ku xigeenka GOS Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in uu dareemay naxdin iyo murugo markii la soo gaarsiiyey warkan murugada xambaarsan ee ay ku geeriyoodeen saaxiibadii sport ga wuxuuna dhinaciisa soo gaarsiiyey tacsi dhamaan bahwaynta sport ga Soomaaliyeed asagoo ku hadlaya magaca qoyska sport ga ee qaaradda Afrika isla markaana ay sii wadi doonaan wada shaqayntii iyo taageeradii ay u hayeen GOS gaar ahaan xiligan murugada leh. Pere Miro oo ah madaxa guddiga xiriirka dalalka xubnaha ka ah guddiga olimbikada adduunka (IOC) iyo waliba guddiga gargaarka ee IOC da (Olympic Solidarity) oo asaguna qoraal tacsi ah soo gaarsiiyey GOS ayaa sheegay in uusan hayn kalmado uu ku qeexo sida uu uga xun yahay falkan dhacay iyo geerida labadan mas'uul oo ayagu waqtiga badan geliyey sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen. "Waan idin garab taaganahay had iyo goor waxaase aad hadda naga guddoontaan anigoo ku hadlaaya magaca guddiga Olympic Solidarity tacsi tiiraanyo leh oo aan u soo gudbinayno qoysaskii iyo waliba bahda sport ga Soomaaliyeed gaar ahaan guddiga olimbikada Soomaaliyeed" ayuu Pere Miro ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa. Guddoomiyaha ururka Generations For Peace isla markaana ah ninka leh dhaxalka boqortooyada Jordan HRH Prince Feisal Al Hussein oo asaguna ka mid ahaa madaxda sport ga dunida oo qoraalad tacsida ah soo gaarsiiyey GOS ayaa qoraalkiisa uga hadlay wada shaqayntii wanaagsanayd ee ay la lahaayeen guddiga olimbikada soomaaliyeed mudadii uu majaraha hogaanka u hayey alaha u naxariistee Aaden Xaaji Yabarow (Wiish)."Mudadii aan wada shaqaynta lahay guddiga olimbikada soomaaliyeed ee uu hogaaminayey Aaden H Yabarow (Wiish), waxa uu GOS qaaday talaabooyin horumar leh, waxaanan hubaa in jacaylkiisii sport, aragtidiisii dheerayd iyo waliba dadaalkiisii aan hagartu ku jirin si aad aah loo tabi doono" ayaa lagu sheegay qoraalkaasi. Qoraalada soo gaaraya guddiga olimbikada soomaaliyeed ee tacsida ah ayaa waxaa ayaguna ka mid ahaa kuwa ka soo kala gaaray dalal badan oo ka mid ah kuwa carabta iyo kuwa aan deriska nahay ee East Africa kuwaasoo dhamaantood ka markhaati kacaya hawshii baaxadda lahayd ee ay labadan halyey u hayeen bulshada sport ga jecel ee Soomaaliya.Dhinaca bahwaynta sport ga Soomaaliyeed ayaa waxaa xafiiska GOS ku soo dhacaya emailo iyo taleefano aad u fara badan oo dhamaantood ka tarjumaya sida ay bahdani uga tiiraanyeysan tahay geeridan naxdinta leh ee ku timid labadan halyey ee naftooda ku waayey ayagoo matalaya bahdan waxaanan ilaahay uga baryeynaa in ducadaas ilaahay u aqbalo qoysaskii ay ka baxeena samir ka siiyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.