Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Bahda Cayaaraha Soomaaliyeed.

0
Thursday May 10, 2012 - 23:53:43 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Bahda Cayaaraha Soomaaliyeed.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Isboortiga Soomaaliyeed oo uu si shaqsi ah uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Guddoomiyihii Olombikada Soom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Isboortiga Soomaaliyeed oo uu si shaqsi ah uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Guddoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed Aadan Haaji Yabarow (Wiish) iyo Guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Siciid Maxamud Nuur (Mugabe).

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ahaa Daahir Xaaji Geelle, Wasiir ku xigeenka dhalinyarada, Isboortiga iyo shaqada iyo shaqaalaha. Dhanka madaxda Isboortiga waxaa ka mid ahaa Duraan Axmad Faarah, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS), Cali Saciid Guuleed, Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta, Maxamed Xasan Xuurshe (Eenow) Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta, Maxamed Cali Caddow, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda laliska, Khadiijo Aadan Daahir, Ku-Simaha Guddoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud, Abuukar Islaw, Xubin Guddiga fulinta GOS, Cali Maxamed Cabdi (Cali Shiino), Xubin Guddiga fulinta Kubadda Cagta, iyo Mulki Nuur Muudey oo ah shaqsi caan ku ah Isboortiga Soomaaliya.



Kulanka kaddib shir jaraa’id oo lagu qabtay isla goobta waxaa ka hadlay Khadiijo Aadan Daahir, Duraan Axmed Faarah, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Isboortiga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Khadijo ayaa sheegtay in geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Wiish iyo Mugabe ay dhaawac weyn ku aheyd Isboortiga Soomaaliya iyo kan caalamka. Duran Ahmed Farah ayaa ku tilmaamay labada shaqsi ee Wiish iyo Mugabe, Waalid iyo walaal qaali ah, sheegayna labadaba inay waqtigooda u hureen horumarinta Isboortiga, juhdi badanna geliyeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu dambeyntii ka hadlay goobta oo erayadiisa ay ka mid ahaayeen: “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun. Ugu horreyntii waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda Isboortiga u dirayaa Tacsi Qaran geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Guddoomiyihii Olombikada Qaranka Aden Haji Yabarow Wiish iyo Madaxii Xiriirka Kubadda Cagta Siciid Maxamud Nuur (Mugabe). Gacan ka xaqdaran baa dishay, Dowladdu waxey bilowday baaritaan dhab ah oo ku wajahan sababta keentay in gabadhaas ay soo gasho Tiyaatarka oo ay qarax noocaas oo kale ah ka geysato goob ay ku sugan yihiin madaxdii dalka. Wiish iyo Muganbe waxey waqtigooda u hureen sidii Isboortiga Soomaaliya uu u horumari lahaa.

Gaar ahaan Aden Yabarow Wiish waxuu in muddo ah ku soo dhexjiray Isboortiga waxuuna ahaa aabihii Isboortiga ee suurto geliyey in Somalia ay ka dhex muuqato cayaaraha olembikada Adduunka oo sanad walba uu ku matali jirey Soomaaliya. Gaar ahaan 20kii sano ee aan fowdada ku jirnay Wiish waxuu ku guuleystay in Isboortiga uu sii noolaado oo uu mideeyo shacabka Soomaaliyeed. Wiish waxaa kaloo lagu xasuusanayaa guulihii gabdhaha Soomaaliyeed ka soo hoyeen tartankii kubadda koleyga ee ka dhacay Doha, Qatar. Wiish waxuu ku howlanaa sidii Olombikada Soomaalida ay uga qeyb-qaadan laheyd tartanka Olembikada London ka dhacaya bisha Julaay. Olembikada Soomaaliya waxaa laga rabaa inay sii joogteeyaan howlihii muhiimka ahaa ee uu waday Wiish.

Siciid Mugabe waxuu waqtigiisa u huray horumarinta Isboortiga gaar ahaan kubadda cagta, waxuuna ku guuleystay in cayaarihii gobolada ay dalka gudihiisa ku qabsoomaan sanadkii hore, iyo weliba in Muqdishu lagu qabtay tartankii degmooyinka ka dib markii kooxaha nabaad diidka ah laga xorreeyey caasimadda. Bahda Isboortiga iyo dhammaan Soomaalida waxaa laga rabaa inaysan ka yeelin kooxan argagaxisada ah inay hor-istaagaan is-dhexgalka bulshada iyo Isboortiga. Isboortigu waa muhiim waxuuna bulshada ku horseedaa is-dhexgal, walaaltinimo, is-jeceyl iyo mdinimo. Isboortigu waa caafimaad isla markaana dhisa maskaxda dhalinyarada.

Dowladdu waxay diyaar u tahay inay Isboortiga dhiirigeliso, isla markaana u fidiso waxii saacidaad ah. Sidoo kale Bahda Isboortiga waxaa laga rabaa inay sii labo-jibaaraan dadaaladooda oo dhan.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.