Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddiga OS iyo madaxda xiriirada.

0
Friday May 11, 2012 - 00:02:31 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddiga OS iyo madaxda xiriirada.

    Waxaa shalay oo Sabti ahayd 07/04 kulan aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Mogadishu guddiga fulinta GOS iyo madaxda xiriirada. Kulnkaan oo uu guddominayey G/X 1aad ee Gidiga Olympikada Soomaaliyeed Mudane Duran Farah ayaa waxaa uu ku saabsana wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay oo Sabti ahayd 07/04 kulan aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Mogadishu guddiga fulinta GOS iyo madaxda xiriirada. Kulnkaan oo uu guddominayey G/X 1aad ee Gidiga Olympikada Soomaaliyeed Mudane Duran Farah ayaa waxaa uu ku saabsana wada tashi guud ka dib geerida naxdinta laheyd ee ku timid Guddoomiyihii GOS iyo Guddoomiyihii xiriirka K/Cagta. Kulanka ayaa waxaa intii uu socdey laysla soo qaadey qaabka looga qeyb qaadanaayo tacsiyadooda iyo ka warqabka qoysaskii ay ka geeriyoodeen labadaas marxuum. Waxaa kaloo isla kulankaas lagu lafa guray sidii horay loogu sii wadi lahaa hawlaha sporti iyo qorshe horumarineedkii sportiga, wada hadal iyo isla socodsiin dheeraad ah meelaha ay wax marayaan ayaa ka dib waxaa aad la isugu raacay in horay loo sii wado hawlihii ay bilaabeen labada masuul meeshoodiina laga sii dardar galiyo, xiriiraduna ay lab jibaaraan hawlahooda si aysan u dayacmin wax qabadkii halyeeyadii geeriyooday. Masuuliyiinta kulanka kasoo qeyb galay waxay hoosta ka xariiqeen muhimadda ay leedahay in la adkeeyo midnimada GOS iyo xiriirada iyo ilaalinta iyo xaqdhawrka qawaaniinta u degsan GOS iyo Xiriiradaba waxayna dhammaan balan qaadeen iney noqanaayaan team(koox) isku xiran hawlahoodana dardar galin doonaan. "Waan wada dareensannahay geeridaan naxdinta leh oo aan ku weynay laba nin oo qaali nagu ah, saciid oo ahaa saxiib aan aad isugu dhawnahay iyo Wiish oo ii ahaa saaxiib aad iigu dhow, walaal, waalid iyo macalinba, waan tiiraanyooneynaa laakin waa inaan sii wadnaa hawshii ay ka tageen oo aanaan dayacin gadaashood, sarena aan uqaadnaa horumarinta sportiga si uu qeyb weyn uga qaato isdhexgalka bulshada iyo nabadda". ayuu yiri guddomiye xigeenka koowaad ee GOS Mudne Duran Farah. Ugu dan bayntii waxaa gudigga oo uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka GOS ay booqasho ugu tageen eheladii labada masuul ee geeriyootay iyo labada ku dhaawacantay ee isbitaalka ku jira. GOS iyo dhamaan bahweynta isboortiga ayaa waxaa maalintii 4.2.2012 ay u ahayd maalin naxdin leh, maalintaas oo ay kuwaayeen laba masuul oo isboortiga soomaaliyeed lafdhabar u ahaa, waxaa sidoo kale ay kusoo aadey xili diyaar garow loogu jiro ka qaybgalka ciyaaraha Olymbikada aduunka. Abdiaziz Godah President, Somali Sports Press association President,Somali NOC Sports Press Commission


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.