Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirwaynihii xubnaha ANOC iyo wasaaradaha sport ga dunida oo Moscow ka furmaya.

0
Friday May 11, 2012 - 00:07:07 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirwaynihii xubnaha ANOC iyo wasaaradaha sport ga dunida oo Moscow ka furmaya.

    Waxaa magaalada Moscow ku sugan wasiiru-dawlaha wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya C/Laahi Sheakh Cali (Qoorleex) iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga olimbikada soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax si ay uga q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Moscow ku sugan wasiiru-dawlaha wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya C/Laahi Sheakh Cali (Qoorleex) iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga olimbikada soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax si ay uga qaybgalaan shirwaynaha xubnaha ururka ANOC iyo wasiirada cayaaraha ee dalalkaasi oo berry ka furmaya magaaladaasi Moscow ee dalka Ruushka. Shirkan oo maanta ay qaaraduhu yeesheen kulamo gooni gooni ah ka hor shirwaynaha ayaa waxaa dhamaan shirarkii shanta qaaradood ee dunida intii aysan bilaaban mid waliba lagu furay daqiiqad aamusnaan iyo istaag isugu jirta taasoo lagu xasuusanayey madaxdii sport ga Soomaaliyeed ee ku geeriyootay qaraxii 4 tii bishan ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada Mogadishu waxaana ay sidoo kale qaarad waliba tacsi u diraysay guddiga olimbikada soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan geeridaasi ku timid sida arxan darada ah waxayna ku booriyeen GOS in ay dadaalkii ay geesiyaashaasi wadeen sii labalaabaan isla markaana aysana ogolaan in ay cabsi geliyaan dhacdooyinkaasi.


Shirwaynahan oo ah kii 18 aad ayna ku kulmayaan 204 ta xubnood ee guddiga olimbikada adduunku aqoonsan yahay kuwaasoo ayaguna xubno ka sii ah kuwa qaaradaha ay dhacaan sida Association of the National Olympic Committees of Africa (ANOCA) oo ay Somalia xubin ka tahay, Pan American Sports Organization (PASO), European Olympic Committees (EOC), Oceania National Olympic Committees (ONOC) or Olympic Council of Asia (OCA), ayaa ay qaarad waliba soo gudbin doontaa waxyaabihii u qabsoomay tan iyo shirwaynihii ugu dambeeyey iyo qorshaheeda mustaqbalka.

Waxaa kale oo warbixino laga dhagaysan doonaa guddiyada qabanqaabada cayaaraha olimbikada adduunka ee sanadaha 2012 oo London lagu qaban doono, kuwa qaboobaha ee sanadka 2014 ka ka dhici doona magaalada Sochi iyo waliba kuwa dhalinyarada adduunka oo ayaguna isla sanadkaasi ka dhici doona magaalada Nanjing.

Shirwaynahan oo aan lagu dooran doorin hogaan cusub ayaa marka uu dhamaado waxaa maalinimada isniinta ah ka furmi doona isla magaaladaasi shirkii labaad ee wasaaradaha cayaaraha iyo olimbikada adduunka xubnahooda kaasoo looga arinsan doono sida ugu haboon oo ay wasaaradaha dawliga ahi ula shaqayn karaan guddiyada olimbikada dalalkooda iyo sida ay isku caawin karaan ayadoo shirkii koowaad ee noocaan laga gaaray guulo la taaban karo sida lagu sheegay warbixinadii laga soo saaray.

Dawladda Soomaaliya iyo guddiga olimbikada soomaaliyeed ayaa si wadajir ah markii labaad uga qaybgalaya kulamada noocaan ah taasoo muujinaysa isku soo dhawaanshaha iyo isfahamka ka dhex abuurmaya hay’adahan taasoo ah jidka kaliya ee uu sport ga dalku ku gaari karo horumar la taaban karo waxaana la filayaa in wasiirudawlaha cayaaraha ee dawladda ku-meelgaar ka ah iyo guddoomiye ku-xigeenka GOS ay labaduba ka qaybqaadan doonaan wadahadalada iyo doodaha ay iswaydaarsan doonaan guddiyada olimbikada adduunka iyo wasaaradaha sport gu.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.