Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

IOC da oo balan qaaday in ay xarun caalami ah u dhisi doonto Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.

0
Friday May 11, 2012 - 00:12:32 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IOC da oo balan qaaday in ay xarun caalami ah u dhisi doonto Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.

    Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Adduunka (IOC) Dr Jacque Rogue oo uu wehliyo madaxa midaynta iyo caawimaadda guddiyada xubnaha ka ah IOC (olympic Solidarity) Pere Miro ayaa maanta magaalada Moscow ku qaabilay wasiiru-dawlaha wasaaradda dhalinyarada i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Adduunka (IOC) Dr Jacque Rogue oo uu wehliyo madaxa midaynta iyo caawimaadda guddiyada xubnaha ka ah IOC (olympic Solidarity) Pere Miro ayaa maanta magaalada Moscow ku qaabilay wasiiru-dawlaha wasaaradda dhalinyarada iyo sport ga C/Laahi Sh Cali (Qaloocow) iyo gud-kuxigeenka GOS Duraan Axmed Faarax. Kulankan oo ahaa kulan aad xasaasi u ahaa ayaa ugu horeyntii waxaa hadalo tacsi iyo murugo xambaarsan ka soo jeediyey guddoomiyaha GOA Jacque Rogue kaasoo uga tacsiyadeeyey wafdiga Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxdii sport ga qaranka kuwaasoo sida uu sheegay ka mid ahaa qoyska olimbikada adduunka ayna tabi doonaan boosaskii ay baneeyeen wuxuuna ka codsaday madaxda wasaaradda iyo GOS ba in ay tacsi ka gaarsiiyaan guud ahaan bahwaynta sport ga Soomaaliyeed gaar ahaana qoysaskii ay ka geeriyoodeen madaxdii cayaaraha ee ku dhintay qaraxii ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada asagoo ku hadlaaya magaca guddiga olimbikada adduunka.


Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale ku amaanay guddiga olimbikada soomaaliyeed sida geesinimada leh ee ay ugu dhabaradaygeen uguna shaqaynayaan marxaladaha ad adag ee la soo gudboonaada wuxuuna caddeeyey in IOC du aysan marnaba dhabarka u jeedin doonin GOS balse ay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ayadoo sida uu sheegay uu ka dhaxeeyo xiriir aad u adag.

Pere Miro oo asagu ah madaxa guddiga Olympic Solidarity oo asaguna ka hadlay kulankan ayaa sidii guddoomiyaha oo kale u tacsiyeyntii madaxda ka dib waxa uu sheegay in mudadii uu xafiiska joogay ay GOS qabteen shaqooyin aad muhiim ugu ah horumarka sport ga dalka Soomaaliya uuna ku faraxsan yahay in uu la kulmo maanta GOS iyo wasaaradda sport ga soomaaliya oo wada jooga kulan muhiim u ah sportga Soomaaliyeed gaar ahaan xiligan uu adduunka oo idil la murugoonayo geeridii guddoomiyihii GOS alaha u naxariistee Aaden Xaaji Yabarow (Wiish).

Miro oo ka hadlayey xiriirka Olympic Solidarity iyo Soomaaliya ayaa sheegay in guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo Olympic Solidarity uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan mudadii uu xafiiska joogayna uu ka arkay madaxda Soomaaliyeed dadaal iyo karti dheeraad ah isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay in Olympic solidarity sii wado wada shaqayntii iyo taageeradii ay u haysay Soomaaliya.

Madaxda IOC da ayaa dhinaca kale ku soo dhaweeyey wasiiru-dawlaha wasaaradda dhalinyarada iyo sport ga kulanka waxayna aad ugu dheeraadeen muhiimadda ay IOC da u leedahay wadashaqayn dhexmarta xubnahooda iyo wasaaradaha sport ga ee dalalkooda taasoo sida ay sheegeen saldhig adag u noqon karta horumarka sport ga dalkaasi.

Wasiiru-dawlaha dhalinyarada iyo sport ga Soomaaliya C/laahi Sh Cali (Qaloocow) oo ka hadlay kulankan ayaa uga mahadceliyey Guddiga Olimbikada Adduunka taageeradooda hagar la’aanta ah ee ay la garab taagnaayeen Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee ay soo shaqaynayeen wuxuuna ka codsaday in ay sii wadaan taageeradooda asagoo dhinaca kalena balan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ka qaybqaadan doonto dib u dhiska sport ga dalka, wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa GOS na ay sii adkayn doonaan si loo gaaro buu yiri horumarka la hiigsanayo.

Guddoomiye ku-xigeenka GOS Duraan Axmed Faarax ayaa dhinaciisa uga mahadceliyey madaxda IOC da sidii ay uga xanuunsadeen geeridii guddoomiyihii GOS iyo madaxdii kale ee Sport ga iyo waliba taageeradii dhinacyada badnayd ee ay siiyeen GOS sanadihii ugu dambeeyey wuxuuna dhinaca kale warbixin ka siiyey isbadalka la taaban karo ee ka socda dalka gaar ahaan dhinacyada horumarka iyo dib u-dhiska iyo sida ay muhiim u tahay in IOC du ka taageerto soomaaliya dib u dhiska sport ga dalka taasoo ay aad u soo dhaweeyeen.

Waxaa run ahaantii ah arin aad loogu farxo in wasiiru-dawlaha wasaaradda dhalinyarada iyo sport ga Soomaaliyeed uu madaxda IOC da hortooda ka balanqaaday in asagoo ku hadlaaya magaca wasaaradda iyo dawladda Soomaaliyeed ay siinayaan Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed dhul ay ka dhistaan xarun cusub oo uu yeesho GOS maadaama aysan lahayn xarun ay ku shaqeeyaan ayna adeegsadaan guryo kiro ah waxaana ka dib hadalkii qaatay guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Adduunka (IOC) Dr Jacque Rogue wuxuuna dhinaciisa wasiirka hortiisa ka balan qaaday in IOC du ay u dhisi doonto GOS xarun caalami ah haddii ay dawladda Soomaaliyeed siiso dhulkii laga dhisi lahaa.

Kulankan iyo wadajirka ay muujiyeen wasaaradda sport ga iyo Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa muujinaya faaiidada iyo horumarka la tiigsan karo marka la helo madax iyo hay’ado ay ka dhaxayso wada shaqayn iyo isaaminid waxaana uu arinkani bilow wanaagsan u noqon doonaa wada shaqayn buuxda oo ay yeeshaan hay’adaha ugu sareeya cayaaraha dalkeena.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.