Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kulamadii ANOC iyo kii Olimbikada iyo wasiirada sport ga adduunka oo la soo gabagabeeyey.

0
Friday May 11, 2012 - 00:21:30 in Wararka Dibadda by Super Admin
  • Visits: 4048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulamadii ANOC iyo kii Olimbikada iyo wasiirada sport ga adduunka oo la soo gabagabeeyey.

    Waxaa shalay oo talaado ahayd lagu soo gabagabeeyey magaalada Moscow ee dalka Ruushka shirweynihii 18aad xubnaha ururka ANOC iyo kulanweynihii labaad Sportiga Olympicada Adduunka (World Olympic Sport Convention) ayadoo labadaasi kulana ay dalkeena So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay oo talaado ahayd lagu soo gabagabeeyey magaalada Moscow ee dalka Ruushka shirweynihii 18aad xubnaha ururka ANOC iyo kulanweynihii labaad Sportiga Olympicada Adduunka (World Olympic Sport Convention) ayadoo labadaasi kulana ay dalkeena Soomaaliya goobjoog uga ahaayeen wasiiru-dawlaha wasaaradda dhalinyarada iyo sport ga C/Laahi Sh Cali (Qaloocow) iyo guddoomiyaha guddiga olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed faarax.

Kulankii hore oo ahaa shirwaynihii xubnaha ku midoobay ururka ANOC oo socday 12 - 15 April ayaa waxaa looga hadlaayey arimo fara badan oo salka ku haya sidii loo horumarin lahaa sportiga iyo hawlaha hor yaal ururweynahan waxaana shirkan lagu furay daqiiqad aamusnaan ah taasoo looga jeeday tacsi loo dirayey shacabka iyo bahda sport ga dalkeena Soomaaliya ayadoo ay geeridii madaxdii Sport ga Soomaaliyeedna ay dhamaan qoyska Olimbikada dunidu aad uga tiiranyeysnaayeen usbuucyadii la soo dhaafay waxayna intii badnayd madaxdii ka soo qaybgashay shirwaynahan mid mid u gacan qaadayeen madaxda Soomaaliya uga qaybgalaysay kulankan si ay ugu muujiyaan taageeradooda uguna tacsiyeeyaan waxaana sawirka sare ee shirwaynaha ka muuqanayey sawiradii madaxdii sport ga dalkeena ee geeriyootay mudadii daqiiqadda ahayd oo la aamusnaa.



Intaasi ka dib ayaa la guda galay qodobadii kale ee muhiimka u ahaa shirwaynaha waxaana gabagabdii la isku raacay inuu dhameystiro Sheikh Ahmed Bin Fahad Al-Sabah xiliga ka dhiman inta laga gaaraayo doorashada 2014 booskii uu baneeyey guddomiyihii hore ee ANOC Mario Vasques Rana (Mexico) oo iska casilay xilkii guddoomiyanimada oo uu haayey 31 sano oo lasoo dhaafay.

Waxaa halkaasi sidoo kale lagu soo gudbiyey warbixinadii kala duwanaa ee xafiisyada guddoomiyaha, xoghayaha iyo waliba warbixintii guud ee ururkan ayadoo ka dibna la dhagaystay warbixinadii xafiisyada qaaradaha ee ururwaynahan ANOC.

Waxaa sidoo kale laga dhagaystay warbixino iyo soo bandhigiddii magaalooyinka raba in ay martigeliyaan cayaaraha Olimbikada adduunka ee sanadka 2020 ka kuwaasoo kala ahaa Baku, Doha, Istanbuul, Madrid & Tokiyo ayadoo dhinaca kalena la dhagaystay warbixinadii magaalooyinka ayaguna martigelinaya cayaaraha kulaylaha iyo qaboobaha tartamada Olimbikada Adduunka ee ilaa sanadka 2018 ka kuwaasoo kala ahaa London 2012, Rio 2016 iyo Pyeong Chang 2018 halka kuwa qaboobahana ay soo gudbiyeen warbixinadooda magaalada Lillehammer iyo Nanjing oo ayaduna martigelin doonta tartanka dhalinyarada adduunka 2014 ka.

Mudadii uu socday kulankan ANOC ayaa waxaa looga dooday dhacdo faragelin ahayd oo ay dawladda dalka Ecuador ku samaysay sportga dalkaasi taasoo aad loogu cambaareeyey isla markaana lagu go’aansaday in qoraal digniin ah loo diro laguna wargeliyo sida ay lama aqbalaan u tahay in la farageliyo sport ga iyo waliba in haddii ay ka laaban wayso ama faraha kala bixi wayso ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo waxaase dhamaadkii kulanwaynihii olimbikada adduunka la soo gaarsiiyey qoraal ka yimid dalkaasi Ecuador kaasoo sheegayey in dawladdu ka laabatay faragelintii ay ku samaysay sport ga ayna u madaxbanaanaysay hawlahoodii shaqo.

Kulankii ay wasiirada sportga ee dawladaha dunida oo gaarayey 171 wasiir iyo qiyska Olimbikadu ka wada qaybgalayeen ayaa waxaa aad looga hadlay sida ay u wada shaqeyn karaan dawladaha iyo NOCs si loo hormariyo sportiga uguna faaideeyaan dhalinyarada wadamadooda kulankaasina waxaa la isugu afgartay si aad u saraysa waxaana laga soo jeediyey doodo dhaxal gal ah kuwaasoo dhamaantood la iskuna afgartay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.