Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

La taliyaha guddoomiyaha GOS oo la kulmay duqa magaalada Roma.

0
Friday May 11, 2012 - 00:39:05 in Wararka Dibadda by Super Admin
  • Visits: 2752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La taliyaha guddoomiyaha GOS oo la kulmay duqa magaalada Roma.

    La taliyaha guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha ururka midaynta qurbajoogta sport ga soomaliyeed Axmed-Nuur Maxamed Xaashi (Sayga) oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga ayaa ka qaybgalay bandhig dhaqan iyo sport oo ka dhaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La taliyaha guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha ururka midaynta qurbajoogta sport ga soomaliyeed Axmed-Nuur Maxamed Xaashi (Sayga) oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga ayaa ka qaybgalay bandhig dhaqan iyo sport oo ka dhacay magaalada Roma lana kulmay duqa magaaladaasi iyo madax ka socotay olimbikada talyaaniga. Bandhig dhaqameedkan oo ay ka qaybgaleen wafdi Soomaaliyeed oo uu horkacayey la taliyaha guddoomiyaha GOS ayna ka mid ahaayen Dr Cusmaan John oo ah guddoomiyaha jaaliyadda ee gobolka Toscany, cayaaryahankii hore Qanjeey iyo Aww Daahir Dooroos oo ka mid ah madaxda jaaliyadda dalkaasi ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhaqamada iyo cayaaraha jaaliyadaha kala gedisan ee ku dhaqan dalkaasi Talyaaniga gaar ahaan magaalada Roma.La taliyaha guddoomiyaha GOS mudane Axmed Nuur (Sayga) oo asagu matalayey guddiga olimbikada soomaaliyeed ayaa waxa uu la kulmay mudadii uu ku sugnaa xafladdaasi guddoomiyaha ururka ENDAS oo ah ururka soo qabanqaabiyey bandhigaasi oo lagu magacaabo Piero Benodetti isla markaana wakiilka olimbikada dalka Talyaaniga ee magaalada Roma oo ay is dhaafsadeen warbixino ku aadan sport ga dalalka Talyaaniga iyo Soomaaliya iyo sida ay u sii xoojin karaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal gaar ahaan xiligan adag ee uu ku jiro sport ga Soomaaliyeed waxa uuna wakiilku ka balan qaaday la-taliyaha in ay xoojin doonaan xiriirka iyo taageerada ay u hayaan GOS. Axmed-Nuur Maxamed Xaashi (Sayga) oo ka mid ahaan jiray cayaartoydii dalkeena isla markaana ka mid ah odayaasha ugu magaca wayn sport ga dalka ayaa waxaa uu dhinaca kale la kulmay duqa magaalada Roma Mr Allamani oo ay ka wada hadleen sida magaalada Roma ay kaalin uga gaysan karto taageerada sport ga dalkeena oo xiligan ku sugan heer aad u hooseeya wuxuuna uga mahadceliyey taageerada ay had iyo goor la garab joogaan magaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Mogadishu. Duqa magaalada Roma ayaa dhinaciisa ku amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaasi sida ay uga qaybqaataan horumarka magaalada Roma wuxuuna caddeeyey in aysan marnaba ka gaabin doonin taageerada dadka iyo dalka Soomaaliyeed uuna rajaynayo in uu arko jaaliyadda soomaaliyeed oo ayagu ka qaybgalaya bandhigyada noocaan oo kale ah mustaqbalka.Mr Allamani ayaa ugu dambayntii guddoonsiiyey guddoomiyaha ururka midaynta QIS ahna la-taliyaha guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed mudane Axmed-Nuur Sayga haddiyad ay maamulka iyo magaaladu ugu talagaleen GOS iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga kuwaasoo ay bandhigan u joogeen wafdigii uu hogaaminayey.Waxaa wafdiga si aad u heersaraysa ugu soo dhaweeyey bandhigan Hodan Daahir oo ah gabar Soomaaliyeed oo ayadu ka tirsanayd guddiigii qabanqaabinayey bandhigan isla markaana ahayd isku dubaridaha bandhigan wuxuuna guddooniyaha iyo wafdiguba ku amaanayaan dadaalka wayn ee ay ugu jirto sidii ay magaca jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi u muujin lahayd.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.