Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Ku-simaha guddoomiyaha GOS oo ka qaybgalay xaflad soo dhawayn iyo duco ahayd.

0
Tuesday May 22, 2012 - 02:30:57 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku-simaha guddoomiyaha GOS oo ka qaybgalay xaflad soo dhawayn iyo duco ahayd.

    Ku-simaha xilka guddoomiyaha guddiga olimbikada Soomaaliyeed mudane Duraan Axmed Faarax ayaa magaalada London bahda sport ga ugala qaybgalay xaflad cashi sharaf ahayd oo lagu soo dhawaynayey looguna tacsiyeynayey garsoore Xasan aaden Xaaji Yabarow (W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha xilka guddoomiyaha guddiga olimbikada Soomaaliyeed mudane Duraan Axmed Faarax ayaa magaalada London bahda sport ga ugala qaybgalay xaflad cashi sharaf ahayd oo lagu soo dhawaynayey looguna tacsiyeynayey garsoore Xasan aaden Xaaji Yabarow (Wiish. Xafladdan oo ahayd mid si aad u heersaraysa loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen inta badan bahda sport ga ee magaalada London oo isugu jiray odayaashii hore ee maamulka dalka ka midka ahaa, cayaartoydii hore, fanaaniin, bahda warfaafinta iyo dhalinyarada soo kacaysa ee ayagu kaalimaha muhiimka ah kaga jira sport ga dalka ayaa waxaa ay muhiimadeedu ahayd sidii ay bahdani markii ugu horeysay uga faaiidaysan lahaayeen in ay qoys ahaan ugu tacsiyeeyaan garsoore Xasan Wiish oo booqasho gaaban ku yimid magaaladan London geeridii alaha u naxariistee aabihiis, isla markaana ahaa guddoomiyihii hore ee guddiga olimbikada soomaaliyeedAaden Xaaji Yabarow. Sii hayaha xilka guddoomiyaha GOS mudane Duraan Axmed Faarax oo hadal aad u qiira badnaa isla markaana dareenkadadkii ka soo qaybgalay xafladdana kiciyey ka jeediyey halkaas ayaa faahfaahiyey xiriirkii wanaagsanaa ee asaga iyo bahda GOS ay la lahaayeen guddoomiyahoodii hore uuna asaga shaqsi ahaan u ahaa madax, waalid, macalin iyo hogaamiye aad ugu dheeraa nafsaddiisa uuna uga tacsiyadaynayo dhamaan qoyska gaar ahaan Xasan oo walaal iyo saaxiib intaba la ah, sidoo kalena uu uga tacsiyadaynayo geeridii guddoomiyaha dhamaan bahwaynta sport ga dalka. Guddoomiyaha GOS oo dhinaca kale ka hadlay hawlaha GOS ayaa sheegay in geerida guddoomiyihii hore ee GOS ay dardar cusub gelinaysohawlahaGOS maadaama uu Wiish aad u jeclaa uguna hawlanaa taabagelinta iyo horumarinta hawlahaasi sida kaliya oo aan had iyo goor xusuusteenaiyo maskaxdeena ugu hayn karno hogaamiyahaas qiimaha badnaana ay tahay anagoo hirgelina kana shaqayna sidii aan ku taabagelin lahayn horumarkaasi. Mar uu la hadlayey bahwaynta sport ga ee ku dhaqan qurbaha ayuu ku-simaha xilka guddoomiyaha GOS mudane Duraan carabka ku adkeeyey baahida ay bahda sportga ee ku nool dalka gudihiisu u qabaan taageerada walaalahooda dibadda ku nool ayna waajib ku tahay in ay caawimaad ka gaystaan horumarka iyo sare u qaadida sport ga dalka, guddiga olimbikada soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan cid kasta oo diyaar u ah waxqabadka dalkooda. Ku-simaha guddoomiyaha GOS oo hawlo shaqo iyo qoys isugu jira u jooga magaaladan London ayaa mudadii uu ku sugnaa magaalada waxa uu kulamo gooni gooni la yeeshay ururo, shirkado, fanaaniin iyo qaar badan oo ka tirsan bahda sport ga magaaladan kuwaasoo uu kala hadlayey hawlaha baaxadda leh ee horyaala GOS iyo waliba cayaaraha Olimbikada adduunka oo bisha July ka furmi doona magaaladan London ayna ka soo qaybgali doonaan wafdi iyo cayaartoy matalaya dalkeena iyo sida ugu haboon ee ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK uga qaybqaadan lahaayeen soo dhawaynta walaalahooda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.