Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo ganacsatada ugu baaqday in ay Sport-iga maalgeliso

0
Tuesday May 29, 2012 - 09:57:05 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo ganacsatada ugu baaqday in ay Sport-iga maalgeliso

    Iyadoo hada uu Isboortiga Soomaaliya si buuxda ugasoo kabsanayo dagaalada dalka ka jiray mudada dheer ayaa guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax waxaa uu ganacsatada soomaaliyeed ugu baaqay in ay gacan ka geystaan horumarint

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo hada uu Isboortiga Soomaaliya si buuxda ugasoo kabsanayo dagaalada dalka ka jiray mudada dheer ayaa guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax waxaa uu ganacsatada soomaaliyeed ugu baaqay in ay gacan ka geystaan horumarinta Isboortiga dalka marka loo eego dhanka maalgelinta dhaq dhaqaaqyada Isboorti ee dalka.


“Aduunka ma jiro Isboorti socda dhaqaale la’aan, sidaa daraadeed aniga oo ku hadlaya magaca guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxaan ku boorinayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadaha ku kala sugan in ay Isboortiga dalka Maali gelin ku sameeyaan si aan uga gudubno caqabadaha na horyaala”ayuu yiri guddoomiye Duran Axmed faarax oo maanta soo saaray war saxaafadeed.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in 22-kii sanadood ee lasoo dhaafay ee dalku dowlad la’aanta ahaa guddiga Olombikada soomaaliyeed iyo xiriiradiisu ay ahaayeen calan sidayaasha qaranka, laakin dowlada soomaaliya oo wali aan tabar yeelan awgeed ay meesha ka maqan tahay kaalintii dowladu ay Isboortiga ka cayaari lahayd iyo sidoo kale kaalintii ganacsatada oo lagama maarmaan ah walina maqan.

“Hada Soomaaliya waxaa ay u diyaar garoobeysaa cayaaraha Olombikada aduunka ee London ka dhici doona, waxaana halkaa u tageynaa in aan ka qeyb galno oo calanka Soomaaliya aan laga dhex waayin calamada aduunka ee meesha la isugu keenayo, laakin hadii aanu heli lahayn maalingelinta Isboortiga dalku hada u baahan yahay waxaan hubaa in Soomaaliya ay wacdare ka muujin lahayd cayaaraha caalamiga ah”ayuu Guddoomiye Duran ku yiri war saxaafadeedkiisii maanta.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in maalgelin ka timaada ganacsatada Soomaaliyeed ay aad ugu muhiim tahay horay u dhaqaajinta Isboortiga dalka, waxaana uu ku booriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay doorkooda ka cayaaraan horumarinta isboortiga dalka oo iminka kasoo kabsanaya dib u dhacyadii dagaalada sokeeye sababeen.

“Xiriiradeena qaran ee hada shaqeeya runtii waa kuwo aad u fir fircoon, tusaale ahaan xiriirka kubada cagta oo ah xiriirka noogu weyn marnaba kama maqnaado cayaaraha gobalka CECAFA halka wadamo badan oo dowlado iyo dhaqaale ku filan heysta ay mararka qaar ka maqnaadaan cayaaraha, laakin waxaa hubaal ah in hadii aanu heli lahayn maalgelinta Isboortigeenu u baahan yahay ay Soomaaliya wacdare ka muujin lahayd cayaaraha dunida, waana hubaa in is badal horumarineed uu imaan doono sanadaha yar ee inasoo aadan”ayuu guddoomiyaha GOS Duran Axmed Faarax ku sheegay war saxaafadeedkiisii maanta oo waaxda war faafinta GOS ay saxaafada u qeybisay.

SOMALI NOC MEDIA DEPARTMENT




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.