Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Munaasabada IAAF Day oo la qabtay.

0
Wednesday May 30, 2012 - 11:13:15 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada IAAF Day oo la qabtay.

    Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud ayaa si weyn u maamuusay boqol sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaska ciyaaraha fudud ee Aduunka, iyo 17-sano guuradii IAAF Day taasi oo caalamka oo dhan si isku mida loogu dabaaldegey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud ayaa si weyn u maamuusay boqol sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaska ciyaaraha fudud ee Aduunka, iyo 17-sano guuradii IAAF Day taasi oo caalamka oo dhan si isku mida loogu dabaaldegey.


Munasabadda aas-aaska ciyaaraha fudud Aduunka iyo IAAF Day oo lagu qabtay gudaha garoonka Da’da weyn ee Banaadir ayaa wuxuu xiriirku ku maamuusay tartamo labadii maalin ee ugu danbeeyey ka dhacay gudaha Muqdisho,iyadoo in ka badan 200 oo ciyaartoyda ciyaaraha fudud ay ku tartamayeen Ororka 100m,200M,400M,1500M, boodada hoose iyo qori isu dhiib.

Xafladii gebo-gebada ayaa waxaa kazoo qeybgalay, Madaxda wasaaradda Sportiga ee DKMG, gaar ahaan Agaasimayaal,Gudiga ugu sareeya Olympicada Soomaaliya madax ka socotey, Gudoomiyayaasha xiriirada K/Koleyga,K/gacanta,K/laliska,K/cagta,Ciyaraha fudud Macalimiin, Ciyaartoy bahda saxaafadda iyo taageerayaasha ciyaaraha fudud kuwooda ugu caansan.

Ku-simaha gudoomiyaha X/C/F Ahna ku xigeenka xiriirkaasi Marwo Khadiija Aden dahir oo ugu horeyntii xafladaasi ka hadashey ayaa ka sheekeeysay taariikhda ay soo martey ciyaaraha fudud tan iyo markii la-aasaasey,bishii May 1912-dii waxayna sheegtay in iyaga ka xiriir ahaan Farxad gaar ah u tahay xuska aas-aaska ciyaaraha fudud ee Aduunka oo boqol jirsatey, iyo 17 sano guuradda IAAF Day.

“Hadii aynu nahay madaxda xiriirka ciyaaraha fudud waxaanu abaabulney tartamadan mudada labada maalin ka dhacay Muqdisho, si aanu qeybteena ugu muujino in caalamku aan kula dabaaldegno IAAF Day oo sanad walba aan qabano” ayey raacisey.

Madaxdii halkaasi ka hadashey ayaa waxaa ka mid ah, Gudoomiye xigeenka Olympicada Soomaaliyeed Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman) Agaasimaha W/Sportiga Saacid Axmed, Gudoomiyaha degmada C/casiis C/laahi Xuseen,Kusimaha X/guud ee x.ciyaaraha fudud Cali xasan,Mid ka mida Macalimiinta xiriirka C/F cabdi Guuleed, Drs.Caasho Aden Daahir waxayna dhamaantood sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin munaasabadaan iyo howsha adag ee xiriirka Ciyaaraha fudud u hayo bulshada Soomaaliyeed waxayna balanqaadeen inay gacan ku siin doonaan wixii karaankooda ah.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal-marino isugu jirta Shahaadooyin,lacago iyo qalab, iyadoo ay xusid mudan tahay in Orodyahanka lagu magacaabo Maxamed Xuseen Tayoow uu Rikoor cusub ka sameeyey Orordka 1500M markii uu ku ordey 3:58 taasi oo si weeyn loogu amaaney Madaxda Ciyaaraha fudud oo iyagu xareeyey dhowr bilood ka hore ciyaartoyda uu ka mid yahay kuna dadaaley iney horumar iyo tababar joogta ah sameeyaan.

Somali NOC Media Department




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.