Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tartanka dugsiyada K/Gacanta oo furmay

0
Saturday June 02, 2012 - 10:46:25 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka dugsiyada K/Gacanta oo furmay

    Markii ugu horeysay muddo dhowr sanadood ah ayaa ardayda soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdsiho waxaa ay ku tartamayaan cayaarta kubada gacanta oo ka dheceysa garoonka arradan ee 1-da Luulyo Ex 21-ka October ee ku yaala degmada Cabdi Casiis ee m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horeysay muddo dhowr sanadood ah ayaa ardayda soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdsiho waxaa ay ku tartamayaan cayaarta kubada gacanta oo ka dheceysa garoonka arradan ee 1-da Luulyo Ex 21-ka October ee ku yaala degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho.


Tartanka ayaa si rasmi ah u furmay shalay galab wuxuuna socon doonaa muddo 2 todobaad ah sida masuuliyiintu ay sheegeen.

Dhalinyaro da’doodu u dhexeyso 14-16 sanadood ayaa tartanka ka qeyb qaadanaya iyagoo kala matalaya 8 school oo ku yaala xaafado kala duwan oo Muqdisho ka tirsan, waxaana tani ay tahay talaabo dib loogusoo nooleynayo cayaarta kubada gacanta ee dugsiyada oo muddo sanado ah aan la dheelin.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada gacanta Maxamed Xuureshe Xasan (Eenow) oo munaasabadii furitaanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xiriirkiisu uu ahmiyad weyn siinayo dugsiyada oo uu sheegay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin horumarka kubada gacanta Soomaaliyeed.

“Sida aan ognahay dugsiyadu waa meeshii uu isboortiga Soomaaliya kasoo bilowday markiisii hore taasina waa sababta aan ahmiyada weyn u siineyno tartamada dugsiyada”ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa sii daba dhigay.

“Tartankan oo socon doona muddo 2 todobaad ah waxaa uu tijaabo u yahay dib usoo nooleynta tartamadii Dugsiyada sidaa darteed 8 dugsi oo keliya ayaa ka qeyb qaadanaya laakin sanadka dambe waxaan rajeyneynaa in aan qabano tartan intaa ka weyn oo ugu yaraan 20 dugsi ka qeyb galayaan”ayuu mar kale yiri guddoomiye Eenow.

Garoonka tartanku ka dhacayo aya adhowrkiisandood ee lasoo dhaafay ay daganaayeen dagaalyahadnadii ururka Al-shabaab oo Muqdisho laga saaray ku dhawaad sanad ka hor.

Wiilashii ku cayaarayay magaca dugsiga Al-Mathal school ayaa 21-9.kaga adkaaday iskuulkii kasoo horejeeday ee Al-furqaan ciyaartii furitaanka shalay galab.

Somali NOC Media Department




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.