Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

LLPP Jeenyo iyo Saxafi oo bar bardhac galay.

0
Thursday June 07, 2012 - 14:24:20 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LLPP Jeenyo iyo Saxafi oo bar bardhac galay.

    Iyadoo horyaalka kubada cagta Soomaaliya ee heerka 1-aad 2012 uu shalay galay maalintii 2-aad ayaa ciyaartii shalay waxaa isaga hor yimid kooxaha kala ah LLPP Jeenyo iyo Saxafi Hotel, cayaartaas oo ahayd mid aad u adag dadweyne aad u farabadana ay ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo horyaalka kubada cagta Soomaaliya ee heerka 1-aad 2012 uu shalay galay maalintii 2-aad ayaa ciyaartii shalay waxaa isaga hor yimid kooxaha kala ah LLPP Jeenyo iyo Saxafi Hotel, cayaartaas oo ahayd mid aad u adag dadweyne aad u farabadana ay kasoo qeyb galeen daawashadeeda. Islamarkii ay cayaartu bilaabatayba labada kooxood waxaa ay bilaabeen weeraro ay mid waliba ku qaadeysay goolka kasoo hor jeeda, iyadoo kooxda Saxafi ay lumisay fursad ay gool ku heli kartay, laakin Nuur Cabdi Muxuyadiin oo u safta kooxda Jeenyo ayaa gool ka dhaliyay kooxda Saxafi oo uu horay ugu safan jiray markii ay ahayd SITT,w axaana goolkaas uu dhaliyay daqiiqadii 15-aad. Cayaaryahanada kooxda Saxafi waxaa ay isku dayeen in ay goolkas iskasoo gudaan laakinj uma suuragelin waxaana cayaarta qeybteedii hore ay ku dhamaatay 1-0 oo ay kooxda Jeenyo hogaanka ku heysay. Markii qeybta labaad ee cayaarta la isugu soo laabtay ayaa cayaaryahanka la yiraahdo Bile muxuyadiin waxaa uu kooxdiisa u dhaliyay gool daqiiqadii 53-aad ee cayaarta qeybteedii dambe goolkaas oo madaxa uu ku dhaliyay. Sida ku cad jadwalka tartanka maanta oo Arboco ah waa la nasanayaa waxaana barri oo khamiis ah iska hor imaan doona kooxaha kala ah Heegan iyo Dekedaha. Intii cayaartu socotay waxaa la bixiyay laba jaale oo keliya sidan ayayna u kala qaateen cayaartoyda labada kooxood. LLPP JEENYO Name Number May 5 minute Caution Hassan Mohamed Hassan 3 May 5 23rd Y. Card SAHAFIHOTELFC Name Number May 5 minute Caution Abdullahi Abdisalaan Sheik 19 May 5 35th Y. Card By Shafi'i Mohyaddin Abokar


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.