Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xasan Elman iyo Xaaji Colow oo lagu dabiibayo Imaaraadka Carabta.

0
Thursday June 07, 2012 - 15:29:43 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1939
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Elman iyo Xaaji Colow oo lagu dabiibayo Imaaraadka Carabta.

    Guddoomiye-ku xigeenka guddiga olimbikada soomaaliyeed Xasan Cali Axmed (Xasan Elman) iyo guddoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee Feerka Maxamed Cali Colow (Xaaji Colow) ayaa waxaa usbuucyadii ugu dambeeyey ku sugnaayeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye-ku xigeenka guddiga olimbikada soomaaliyeed Xasan Cali Axmed (Xasan Elman) iyo guddoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee Feerka Maxamed Cali Colow (Xaaji Colow) ayaa waxaa usbuucyadii ugu dambeeyey ku sugnaayeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carbta halkaasoo lagu dabiibayo dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxii bishii April ka dhacay magaalada Mogadishu.

Qaraxan oo ay ku nafwaayeen guddoomiyayaashii GOS iyo XSK Cagta alaha u naxariistee Aaden Xaaji Yabarow (Wiish) iyo Siciid Maxamuud Nuur (Mugambe) ayaa waxaa labadan mas’uul ka soo gaaray dhaawacyo kala gedisan oo aan ahayn kuwa aad Qatar ugu ah naftooda balse dhibaato raagta gaarsiin kara haddii aan loo helin daawo iyo daryeel wanaagsan.

Guddiga olimbikada Soomaaliyeed ayagoo ka duulaya daryeelkaasi ayey waxay dadaal fara badan u galeen sidii ay labadan mas’uul ugu heli lahaayeen daryeelka ay u baahan yihiin ayagoo ugu dambayntiina ku guulaystay in ay keenaan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka halkaasoo muddooyinkii ugu dambeeyey lagu eegayey isla markaana looga dabiibayey dhaawacyadaasi ayadoo wararka hadda laga helayona ay sheegayaan in xaaladdooda caafimaad aad u soo raynayso.

“Madaxdani waxa ay ku dhaawacmeen hawl qaran iyo ayagoo matalaya GOS waxaana naga saaran waajibaad ah in aan ka shaqayno daryeelkooda caafimaad intii aan awoodno anagoo la kaashanayna saaxiibadeena iyo walaalaheena Soomaaliyeed waxaana ilaahay mahaddiis ah in aan ku guulaysanay in ay helaan daryeel iyo daawo wanaagsan” ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha guddiga olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax.

Guddoomiye ku xigeenka GOS Xasan Elman iyo rugcaddaaga sport ga ahna guddoomiyaha XS ee feerka Xaaji Colow ayaa la filayaa in ay ku sii nagaadaan magaalada Dubai tan iyo inta ay dhaqaatiirtu ka fasaxaan isla markaana ay ayaguna dareemayaan caafimaad wanaagsan oo u saamaxa in ay shaqooyinkoodii dib ugu laabtaan.

Waxaad kaloo kala socon kartaa guddiga olimbikada Soomaaliyeed barahan:




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.