Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Madaxda Sport ga Soomaaliyeed oo si wadajir ah u soo kormeeray dhismayaashii burburay.

0
Thursday June 21, 2012 - 19:56:35 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Sport ga Soomaaliyeed oo si wadajir ah u soo kormeeray dhismayaashii burburay.

    Madaxda ugu saraysa hay’adaha Sport ga dalka ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha iyo Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa ayaa waxa ay maalinimadii Arbacadii kormeer ay ugu kuurgalayeen heerka uu gaarsiisan yahay burburka baa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda ugu saraysa hay’adaha Sport ga dalka ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha iyo Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa ayaa waxa ay maalinimadii Arbacadii kormeer ay ugu kuurgalayeen heerka uu gaarsiisan yahay burburka baaxadda leh ee soo gaaray garoomadii cayaaraha iyo dhismayaashii hay’adaha sport ga dalka ee magaalada Mogadishu ku soo mareen qaar ka mid ah dhismayaashaasi.

Kormeerkan wadajirka ah oo ay horkacayeen wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha mudane Maxamuud Jirde Xuseen iyo guddoomiyaha guddiga olimbikada Soomaaliyeed mudane Duraan Axmed faarax isla markaana muujinaya xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya hay’adahan ayaa waxaa goobihii ay booqdeen ka mid ahaa dhismihii xarunta wasaaradda dhalinyarada iyo sport ga ee magaalada Mogadishu, garoonkii kubadda Tennis ka dheer, garoonkii kubadda kolayga ee 1 da Luuliyo (Lugino), garoonkii kubadda miiska iyo xarumihii xiriirada kala gedisan ee cayaaraha dalka.

Sida uu sheegay guddoomiyaha GOS mudane Duraan kormeerkan ayaa waxa ay ugu kuurgalayeen khasaaraha baaxadda leh ee gaaray dhismayaashan iyo sidii ay si wadajir ah labadan hay’adood isaga kaashan lahaayeen dib-u dhiska dhismayaashan iyo garoomadan ay bahwaynta sport ga Soomaaliyeed u qabto baahi aan la soo koobi Karin.

Ka dib kormeerkooda saacadaha badan qaatay ayey waxay madaxdani si wadajir ah ula hadleen warfidiyeenada waxa uuna wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliyeed mudane Maxamuud Jirde ku dhawaaqay ama caddeeyey in ay si wadajir ah u magacaabi doonaan guddi isku dhaf ah oo ka kooban labadan ha’adood oo ka shaqayn doona sidii caawimaad dawli ah mid caalami ahba loogu heli lahaa si dib loogu dhiso garoomada iyo dhismayaasha kaabaha u ah horumarka spor ga dalka.

“Haddii ay horey u dhacday is afgaran waa u dhaxeeyey wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha iyo guddiga olimbikada Soomaaliyeed waxaan caddaynayaa in aan hadda wadajir uga shaqayn doono horumarinta cayaaraha iyo waliba sidii aan dib-ugu dhisi lahayn garoomadii iyo kaabayaashii cayaaraha dalka lagan gudbay wixii hore” ayuu si kalsooni ah u yiri wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Maxamuud Jirde.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee dalka mudane Aways Xadaad oo asaguna ka hadlay warsaxaafadeedkan ayaa waxa uu sheegay in kormeerkan iyo warsaxaafadeedkan ka dambeeyaba ay muujinayaan isla markaana caddayn buuxda u yihiin xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya hay’adaha cayaaraha dalka iyo sida ay uga go’an tahay in ay meel uga soo wadajeestaan sare u qaadida cayaaraha dalka.

Guddoomiyaha GOS oo dhinaciisa ka hadlay halkaasi ayaa dhinaciisa ka hadlay sida uu sport gu kaalin wayn uga qaadan karo dib-u heshiisiinta iyo nabadaynta dalka si taasi loo helana loo baahan yahay in dib loo dhiso loona hawl geliyo garoomadii cayaaraha dalka.

“Anagoo ka faaiidaysanayna iftiinka nabadda ee uu dalku sida muuqata gaarayo waxaa muhiim ah in aan dib u dhisano garoomadii iyo dhismayaashii cayaaraha anagoo la kaashanayna walaalaheena Soomaaliyeed iyo saaxiibadeena kale ee caalamka si aan kaalinteena uga qaadano nabadaynta dalka” ayuu yiri guddoomiyaha GOS mudane Duraan Axmed faarax.

Tan iyo markii wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha loo magacaabay Maxamuud Jirde bishii April ee sanadkan ayaa waxaa aad isku soo tarayey xiriirka wada shaqayneed ee u dhexeeya wasaaradda dhainyarada iyo cayaaraha dalka iyo guddiga olimbikada Soomaaliyeed iyo xiriirada hoos yimaada taasoo caddayn u ah dadaalka uu wasiirku ugu jiro sare u qaadida sport ga dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.