Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Maalinta Olimbikada adduunka oo laga xusay Soomaaliya.

0
Monday June 25, 2012 - 20:38:59 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Olimbikada adduunka oo laga xusay Soomaaliya.

    Waxaa maalinimadii Sabtidi ahayd kuna beegnayd 23 ka bisha June magaalada Mogadishu ee xarunta dalka Somalia looga dabaaldegay xuska maalinta olimbikada adduunka oo markii ugu horeysay muddo ka badan labaatan sano u dhacday si aan horey loo arag maad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalinimadii Sabtidi ahayd kuna beegnayd 23 ka bisha June magaalada Mogadishu ee xarunta dalka Somalia looga dabaaldegay xuska maalinta olimbikada adduunka oo markii ugu horeysay muddo ka badan labaatan sano u dhacday si aan horey loo arag maadaama nabadgelyada magaalada Mogadishu ay xiligan aad u soo wanaagsanaanayso. Orodyahanadii iyo cayaartoydii hidaha iyo dhaqanka ee ayagu ka qaybqaadanayey xuska maalinta Olimbikada ayaa socod dheer ka soo bilaabay goobihii ay ka soo baxeen ayagoo kuna soo maray qaybo badan oo magaalada ka mid ah gaadakacayaar iyo waliba dhoolatusyo ay wadooyinka magaalada Mogadishu ku samaynayeen ayadoo aysan jirin markii ugu horeysay muddo 20 sanadood ka badan jidgooyo ama sharciyo ka horistaagaya dhoolatuskaasi ama kala xirnaansho magaalada ah intaba. Xuska maalinta Olimbikada adduunka ayaa waxaa loogu dabaaldegay cayaaro kala gedisan oo ay ka mid ahaayeen Karate, Orod, Taekwondo iyo cayaaraha hidaha iyo dhaqanka oo ay dhamaan ka qaybqaateen dhalinyarada magaalada Mogadishu oo ayagu baahi badan u qabay dabaaldegyo noocaan oo kale ah oo ay ku muujiyaan xirfadihii ay barteen. Guddoomiyaha guddiga olimbikada Soomaaliyeed mudane Duraan Axmed Faarax ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qaybqaadatay cayaarta hidaha iyo dhaqanka halkaasi lagu soo bandhigayey wuxuuna warfidiyeenada u sheegay dhamaadkii xuskan in qiirada iyo farxaddii uu dareemay darteed uu ku dhiiraday in uu ka qaybqaato cayaartan hidaha iyo dhaqanka ah oo si wayn looga qadariyo dalkeena gaar ahaan magaalada Mogadishu. Gunaanadkii xuskan oo ka dhacay garoonka kubadda kolayga ee 21 ka July oo uu ka muuqday burbur baaxad lihi ayaa waxaa halkaasi ka hadlay madaxdii goobjooga ka ahayd xuskan maalinta Olimbikada Adduunka ayadoo dhinaca kalena bilado iyo lacago abaalmarino ahna lagu guddoonsiiyey cayaartoydii iyo orodyahanadii ku guulaystay kaalimaha 1-5 aad, cayaartoydii hidaha iyo dhaqankana lagu guddoonsiiyey bilado dharafyo halka weriyayaashii ayagu gudbinayey wararka maalintan qiimaha lehna halkaasi lagu guddoonsiiyey shahaadooyin mahadcelin ah. Guddoomiyaha GOS oo ka hadlay gunaanadkii dabaaldega ayaa waxa uu ugu horeyn uga mahadceliyey ilaahay nabadgelyada uu ku soo dabaalay dalka asagoo ka dibna mahadnaq u soo jeediyey dhamaan dadkii ka shaqeeyey in xuskani u dhaco si ka duwan 20 kii sano ee la soo dhaafay gaar ahaan xiriirka soomaaliyeed ee cayaaraha fudud, xiriirka Takewoendo, xiriirka Karate ga iyo barbaarta gaashaaman wuxuuna u rajeeyey in xuska sanadka soo socda uu noqon doono mid ka sii wanaagsan kana balaaran kan sanadkan haddii alaha awoodda lihi ogolaado. Guddoomiyaha oo ka hadlayey dhinaca maalgelinta maalintan qiimaha leh ayuu xusay in guddiga olimbikada dalalka kale ee caalamka ay had iyo goor helaan ganacsato ka caawisa isla markaana maalgelisa maalmahan ama xafladahan oo kale wuxuuna amaan u soo jeediyey ugana mahadceliyey Hotel shamo oo asagu gartay qiimaha maalgashiga cayaaraha qayb libaaxna ka qaatay xuska sanadkan wuxuuna gabagabadii hadalkiisa ku dhiirigeliyey ganacsatada Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan horumarinta sport ga dalka ugana faaiideeyaan ganacsigooda. Xafiiska warfaafinta ee GOS.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.