Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo shaaciyey in uu yeeshay Facebook iyo Twitter.

0
Saturday June 30, 2012 - 18:36:53 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo shaaciyey in uu yeeshay Facebook iyo Twitter.

    Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay yeesheen boggaga bulshada ee Facebook iyo Twitter si ay bulshawaynta Soomaaliyeed ee ayagu jecel in ay la socdaan dhaqdhaqaaqooda ugu fududaato helidda xogaha dhabta ah ee guddigan gaar ahaan diyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay yeesheen boggaga bulshada ee Facebook iyo Twitter si ay bulshawaynta Soomaaliyeed ee ayagu jecel in ay la socdaan dhaqdhaqaaqooda ugu fududaato helidda xogaha dhabta ah ee guddigan gaar ahaan diyaargarawga iyo ka qaybgalka cayaaraha Olimbikada adduunka oo ka furmi doona magaalada London.

Bahwaynta sport ga Soomaaliyeed ee ku kala baahsan dacalada dunida iyo hay’adaha caalamiga ah ee ayagu ku shaqada leh cayaaraha ayaan ka daalacan doonin bogagan dhaqdhaqaaqa wafdiga iyo cayaartoyda Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya cayaaraha olimbikada adduunka oo kaliya balse waxa ay sidoo kale kala socon doonaan wararka cayaartoyda ay jinsiyaddoodu ka soo jeedo Soomaali ee u tartamaya dalalka ay ku nool yihiin iyo waliba wararka wafdiga iyo cayaartoyda dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti.

Waxaad sidoo kale kala socon doontaan bogagan sawirada orodyahanada, macalimiinta iyo cayaartoyda Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya cayaarahan xiliyada ay tababarka samaynayaan, marka ay booqanayaan goobaha taariikhiga ah iyo waliba xafladaha iyo martiqaadyada ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK u samayn doonto walaalahooda intaba.

Sidoo kale warfidiyeenada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka ee ayagu danaynaya wararka ku saabsan cayaartoyda iyo wufuudda Soomaaliyeed ayaa ka bogan doona warar sugan oo si isadabajoog ah looga soo tabin doono halbawlaha magaalada London oo ay cayaarahani ka furmi doonaan bisha July 27 keeda haddii alaha awoodda lihi ogolaado.

Waxaad sidoo kale kala socon kartaan hawlaha guddiga olimbikada soomaaliyeed shabakadda GOS ee http://www.nocsom.com/

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed/Twitter

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed/Facebook




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.