Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo magacawday hogaanka wafdiga Soomaalida ee London 2012 iyo orodyahano.

0
Saturday July 07, 2012 - 16:07:46 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo magacawday hogaanka wafdiga Soomaalida ee London 2012 iyo orodyahano.

    Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in macalinka xulka wiilasha kubadda kolayga Soomaaliyeed ahna cayaaryahankii hore ee naadigii Jeenyo iyo xulkii qaranka Cumar C/Qaadir Baarajab uu noqon doono madaxa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in macalinka xulka wiilasha kubadda kolayga Soomaaliyeed ahna cayaaryahankii hore ee naadigii Jeenyo iyo xulkii qaranka Cumar C/Qaadir Baarajab uu noqon doono madaxa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya cayaaraha olimbikada adduunka oo bishan 27 keeda ka furmi doona magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Cumar Baarajab ayaa noqon doono cayaaryahankii ugu horeeyey inta la xasuusan yahay muddo ka badan 30 sanadood oo buuxsha booskan ayadoo ay xiliyadii horenabuuxin jireen hogaankan madaxda sport ga kala gedisan ee dalkaama kuwa siyaasadda intaba.

Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo ka hadlayey sida ay ku timid arintani ayaa yir “Tan iyo markii uu geeriyooday guddoomiyihii GOS ilaahay naxariistii jano ha siiyee Aaden xaaji Yabarow (Wiish) waxaan wadnay wada tashi iyo raadin cidda ugu haboon ee buuxin kara booskan (Chef De Mission) oo ah shaqsiga qabanaya isla markaana lagala xariirayo dhamaan hawlaha wafdiga, waxaana ay ugu dambayntiiguddiga fulintu isku raaceen in Cumar baarajab oo ah shaqsi magac iyo maamuus ku leh sport ga dalkeena uu yahay shaqsiga buuxin kara xilkan xiligan cayaaraha London 2012”.

“Anagoo ka tixraacayna shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay hawshii middan la midka ahayd ee loo idmaday dhamaadkii sanadkii tagay cayaarihii dalalka carabta ee ka dhacay dalka Qatar iyo waliba aqoonta iyo waayaaragnimada faraha badan ee uu u leeyahay maamulka sport ga iyo ayadoo ay naga go’nayd in aan badalno dhaqankii ahaa in dadka maamulka ku jira iyo siyaasiyiinta oo kaliya qabtaan hogaankan kaalintoodana la siiyo dadkii magaca ku lahaa sport ga dalka ayaan go’aansanay in macalinka xulka wiilasha kubadda kolaygu qabto hogaankan oo loo yaqaan (Chef De Mission)” ayuu raaciyey guddoomiyuhu.

“Waxaan aad ugu faraxsnahay fursaddan qaaliga ah ee ay I siiyeen GOS oo ah in aan hogaamiyo madax iyo orodyahano soo qabtay shaqo aad u dhib badan muujiyeyna dadaal aad u fara badan, waxaanan dhamaanteen u soconaa in aan dalkeena ka muujino caalamka dhexdiisa sida ugu wanaagsan uguna sharafta badan kuna dhiirigelino orodyahanadeena in ay kala soo laabtaan London waaya-aragnimo iyo aqoon fara badan oo ay waligood xasuusnaadaan” ayuu yiri xiddigii hore ee naadigii Jeenyo Cumar Baarajab.

Sidoo kale waxaa ayagana la magacaabay orodyahanadii matali lahaa dalka Soomaaliya kuwaasoo ah laba orodyahan oo ayagu ka qaybgali doona orodada dhexe.

Samsam Maxamed Faarax ayaa ka qaybqaadan doonta tartanka orodada 400m iyo 800m ee dumarka halka uu Maxamed Xasan Maxamed asaguna ku tartami doono magaca dalkeena kana qaybqaadan doono tartamada 1500m iyo 5000m.

“Sida ay cid waliba filaysay waxaan ku imaan doonaa koox yar iyo waliba laba orodyahan oo ayaguba aan ku soo gudbin shuruudihii caalamiga ahaa (Qualification Process) kuwaasoo had iyo goor la siiyo dalalka anaga oo kale ah oo aan buuxin Karin shuruudahaas si aysan uga maqnaan tartamada isla markaana loogu dhiirigeliyo dhalinyaradooda cayaaraha caalamiga ah waxaanan rajaynayaa in ay ka helaan waaya-aragnimo tartamadan ay ka qayb galayaan” ayuu yiri guddoomiyaha GOS oo ka hadlayey barnaamijka cayaaraha ee telifishanka Qaranka.

Sidoo kale mudada ay cayaarahani socdaan waxaa uu Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ku casuumay cayaarahan ka dhacaya magaalada London qaar ka mid ah cayaartoydii iyo orodyahanadii caanka ahaa ee dalkeena oo uu ka mid yahay Cabdi Bile Cabdi oo ah orodyahanka kaliya ee u dhashay dalkeena ee qaada bilad dahab ah tartanka 1500m ee dunida si marka hore ay GOS uga mahadceliso uguna muujiso wanaaga ay u hayaan dadkaas dalkooda u soo hooyey guusha iyo in ay sidoo kale u noqdaam ku dayasho wanaagsan jiilka yaryar ee ayagu rajada ka leh in ay dalkooda metalaan.

Cayaaraha olimbikada adduunka ayaa waxaa ka soo qaybgalaya in ka badan 10,000 oo cayaartoy oo u kala tartami doona 26 cayaarood ama tartan oo kala duwan waxaana lagu abaal marin doonaa kuwooda guulaysta in ka badan 300 oo biladood.

Kala soco tababarka iyo dhaqdhaqaaqa orodyahanada iyo madaxda GOS ee ka qaybgalaya cayaarahan baraha facebook iyo twitter ka ee GOS.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.