Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Hormuud Telecom oo dhiseysa Garoonka 1-da July

0
Saturday July 07, 2012 - 19:26:29 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hormuud Telecom oo dhiseysa Garoonka 1-da July

    Hormuud Telecom oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa dib u dayactirid ku bilowday garoonka kubada koleyga 1-da July oo dhibaato xoogani kasoo gaartay dagaaladii dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hormuud Telecom oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa dib u dayactirid ku bilowday garoonka kubada koleyga 1-da July oo dhibaato xoogani kasoo gaartay dagaaladii dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho. Injineerada ka shaqeynaya howsha dib u dhiska garoonkla ayaa sheegay in shaqada dib u dhiska ay rajeynayaan in ay qaadato muddo dhowr todobaad ah. "Waxaan shaqeyneynaa maalintii oo dhan sabatuna waxaa ay tahay waxaan dooneynaa in aan soo dhameystirno shaqada dhamaadka bishan sidii anaga iyo guddiga OLombikada Soomaaliyeed aan isku af garanay"ayuu maanta oo Sabti ah saxaafada u sheegay mid ka mida shaqaalaha dhismaha ku jria. Xoghayaha guud ee guddiga Olombikada Soomaaliyee Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo kaaliyihiisa Maxamed Xuurshe Xasan ayaa iyaguna maanta booqday howsha dhismaha si ay u qiimeeyaan wixii qabsoomay tan iyo intii dib u dhiska garoonka lagu bilaabay maalintii Khamiistii. "Waxaanu halkan u nimid in aan qiimeyno sida howshu u socoto waxaana dareensanahay in wax badan la qabtay ilaa iyo khamiistii howshuna si fiican ayay iminka usocotaa waxaana rajeyneynaa in ay ku dhamaan doonto mudadii horay injineeradu u qorsheeyeen"ayuu xoghayaha guud ee GOS Cabdullaahi Axmedx Tarabi u sheegay saxaafada iyadoo uu la socday ku xigeenkiisa Maxamed Xuurshe Xasan. Dhanka kale guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax oo maanta war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu aad ugu galad hayo shirkada Isgaarsiinta Hormuud maalgelinta ay ku sameyneyso dhismaha garoonka waxaana ay noqotaybuu yiri shirkadii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo bilowday dib u dhiska garoomada cayaaraha ee bur-buray xili dalka Soomaaliya uu kasoo kabsanayo dagaalladii mudada dheer soconayay. Hormuud waxaa ay Xaq u yeelan doontaa in garoonka kubada Koleyga ee 1-da July ay kusoo bandhigato xayeysiinadeeda markii dayac tirku dhamaado iyadoo aysan jirin shirkad kale oo la isticmaali doonta maadaama ay iyadu dayac tirtay waxaase shirkadaha kale u furan garoomada kale oo wali dayac tir u baahan. "Waxaan halkan ka cadeynayaa in Hormuud Telecom ay ku amamaan mudan tahay talaabada ay qaaday, aniga oo ku hadlaya magaca guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa shirkadaha kale ee Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadaba ka dhisan in ay doorka kaga aadan ka cayaaraan horumarinta Isboortiga dalkooda" ayuu guddoomiyaha GOS Duran Axmed Faarax ku sheegay war saxaafadeedkii uu maanta soo saaray. "Soomaaliya hada waxaa ay kasoo ban baxaysaa dagaalo wax yeelo daran geystay oo muddo dheer socday waxaana ay usoo bexeysaa jawi nabadeed iyo horumar, siedaa daraadeed waxaan ku boorinayaa shirkadaha ganacsi ee Soomaaliyeed in ay kaalin weyn ka qaataan dhaqaajinta Isboortiga dalka oo hada dib usoo kabsanaya"aayuu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay guddoomiyaha GOS Duran Axmed Faarax oo intaana sii raaciyay in maalgelinta shirkadaha gudaha ay aad muhiim ugu tahay horumarinta Isboortiga dal kasta oo xubin ka ah guddiga Olombikada aduunka ee IOC. Garoonka kubada Koleyga ee 1-da July waxaa uu ku yaalaa deegaan ay ka talinayeen islaamiyiinta mayalka adag ee dalka Soomaaliya ka hor intii aan laga saarin magaalada Muqdisho bishii August ee sanadkii tagay. Islaamiyiintu waxaa sidoo kale ay gacanta ku hayeen tuulada Isboortiga Muqdisho oo uu ku yaalo garoonka weyn ee kubada cagta Stadium Muqdisho. Laakin ka bixitaankii Islaamiyiinta kaddib ayay hadana Tuulada Isboortiga Muqdisho isu badashay goob milatari mar labaad kaddib markii ay fariisin ka dhigteen ciidamada nabad ilaalinta AMISOM 7-dii bishii Augsut ee isla sanadkii tagay. SOMALI NOC MEDIA DEPARTMENT


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.