Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Wafdiga Soomaaliya u matalaya London 2012 oo la siiyey dalku galkii Ingiriiska.

0
Wednesday July 11, 2012 - 23:22:41 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdiga Soomaaliya u matalaya London 2012 oo la siiyey dalku galkii Ingiriiska.

    Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dalka Soomaaliya Matt Bought iyo xubno ka socday safaaraddiisa ayaa maanta tagay magaalada Mogadishu si ay u soo dhamaystiraan dalku galkii orodyahanada iyo wafdiga Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya tartanka cayaarah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dalka Soomaaliya Matt Bought iyo xubno ka socday safaaraddiisa ayaa maanta tagay magaalada Mogadishu si ay u soo dhamaystiraan dalku galkii orodyahanada iyo wafdiga Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya tartanka cayaaraha Olimbikada adduunka oo bishan 27 keeda ka furmi doona magaalada London. Wafdiga safiirka ayaa markii ay soo dhamaystireen hawshii ay dalka u tageen oo ahayd in ay soo siiyaan waraaqaha dal ku galka Ingiriiska xubnaha matalaya dalkeena ayaa waxaa ay booqasho ugu tageen raiisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Gaas halkaasoo ay si wadajir ah uga soo saareen war-saxaafadeed ay ku sagootinayeen kuna taageerayeen orodyahanada iyo wafdigaba. "Waxay ii tahay sharaf aniga iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed in cayaartoy iyo wafdi matalaya dalkeena Soomaaliya ay ka qaybgalaan cayaaraha ugu balaaran dunida anagoo waliba ka soo kabanayna waqti badan oo dagaal sokeeye iyo xagjirnimo ah" ayuu yiri raiisul wasaare Cabdi Weli Maxamed Gaas. "Waxay ku tababarayeen xaalado adag iyo dal ay dagaalo sokeeye burburiyeen waxayna la qaybsan doonaa waaya-aragnimadooda cayaartoyda kale ee dunida, waxayna noo tahay guul in ay goobjoog ka ahaadaan kana soo muuqdaan cayaarahan caalamiga ah" ayuu sii raaciyey raiisul-wasaare Cabdi Weli Maxamed Gaas. Safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa dhinaciisa waxa uu sheegay in ay sharaf y tahay in uu la kulmo cayaartoyda iyo wafdiga Soomaaliyeed ka qaybgalaya cayaaraha Olimbikada adduunka wuxuuna u rajeeyey safar nabad ah iyo guul intaba. "Cayaaraha Olimbikadu waa ka balaaran yihiin kana qiimo wayn yhiin cayaaro oo kaliya balse waxay isku xiraan shucuubta dunida, waxay u dabaaldegaan dhaqamada kala gedisan waxayna dhiirigeliyaan dhalinyarada iyo caruurta mustaqbalka" ayuu yiri safiirka oo ay dhinaciisa taagnaayeen wasiirka dhalinyarada, cayaaraha iyo shaqada ee Soomaaliya Maxamed Jirde Xuseen , wasiir ku-sigeenka wasaarada Daahir Xaaji Geele, macalinka cayaaraha fudud ee Soomaaliya Axmed Xoog iyo orodyahanada Samasam Maxamed iyo Maxamed Xasan Maxamed. Wasiira wasaaradda sport ga, wasiir ku-xigeenka iyo wasiiru-dawlaha dhalinyarada iyo cayaaraha ee dawladda ku meelgaarka ah ayaa dhinacooda uga mahadceliyey safiirka talaabadan aan nooceeda horey loo arag ee uu qaaday si uu ugu fududeeyo wafdiga soomaaliyeed in ay si fudud uga qaybgalaan cayaaraha olimbikada adduunka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.