Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Madaxda GOS oo London ka bilaabay kulamo muhiim u ah horumarka GOS.

0
Saturday July 14, 2012 - 18:36:21 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda GOS oo London ka bilaabay kulamo muhiim u ah horumarka GOS.

    Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax iyo madaxa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya cayaaraha Olimbikada adduunka Cumar Baarajab ayaa kulan aad muhiim ugu ahaa horumarka GOS waxa ay magaalada London kula yeesheen shirkad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax iyo madaxa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya cayaaraha Olimbikada adduunka Cumar Baarajab ayaa kulan aad muhiim ugu ahaa horumarka GOS waxa ay magaalada London kula yeesheen shirkad ayadu ka caawisa hay’adaha Sport ga maamula sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen sumadooda ama magacoodaba (Brand building).

Kulankan oo ahaa kii labaad ee dhexmara GOS iyo shirkadda JTA ayaa waxaa looga hadlay sidii ay shirkaddani si saaxiibtinimo ah uga caawin lahayd guddiga olimbikada Soomaaliyeed in uu sare u qaado magaca guddiga gudaha dalkeena iyo waliba geeska Afrika oo idil ayagoo adeegsanaya hababka casriga ah ee ay adeegsadaan hay’adaha caalamiga ah iyo talooyinka shirkaddan oo ka mid ah kuwa ugu waawayn marka la fiiriyo hay’adaha iyo kooxaha ay kala taliso arimahan oo ay ka mid yihiin Guddiga Olimbikada dalka Jordan, Kooxda wayn ee Manchester United, magaalooyinka Beijing 2008, Athens 2004 iyo kuwa kale oo badan.

Guddoomiyaha GOS oo kulankan ka dib aan wax ka waydiinay sida uu u arko iyo danaha ay ka leeyihiin intaba ayaa sheegay in shirkaddani ay ka mid tahay kuwa ugu waawayn caalamka dhinaca dhisidda sumadda ayna ahayd shirkaddii guulaha la soo hoysay magaalooyinkii martigeliyey cayaarihii Olimbikada ee Athens 2004, Beijing 2008 iyo waliba kuwa martigelin doona oo ay ka mid yihiin Sochi 2014 iyo Tokyo 2016, waxaanan kala hadalnay markii ugu horeysay suurtagalnimada in ay naga caawiyaan sidii aan magaca GOS aan u waynayn lahayn ayagoo eegaya duruufaha ada adag ee aan ku shaqayno iyo mustaqbalka wanaagsan ee aan hiigsanayno kulankanina waxa uu daba socday kaas waxaana ka soo baxay go’aamo wanaagsan.

Shirkadda JTA ayaa ku amaantay GOS sida ay ugu dhabar adaygayaan dalkooda ayagoo ku jira duruufo aad u dhib badan, ayna mudan yihiin in loo soo bandhigo caalamka tusaalena u noqdaan dalal badan oo ka horumarsan kana nabadgelyo badan Soomaaliya oo hadana aan hamigoodu gaarsiisnayn halka aad hiigsanaysaan waxayna sheegeen in ay si saaxiibtinimo ah kula shaqayn doonaan GOS kana caawin doonaan sidii ay u noqon lahaayeen hay’ad sumcaddeedu sarayso kana dhexmuuqata guddiyada qaaradda Afrika iyo kuwa carabtaba.

Intaasi ka dib ayaa JTA waxa ay u caddaysay madaxda GOS ee kulankan ka qaybgashay in ay ugu horeyn diiradda saari doonaan qodobadan hoos ku xusan:

·In ay ugu horeyn u samayn doonaan buug suuqgayneed ee GOS ay yeelato

·In ay xiriir la samayn doonaan hay’adaha maalgeliya sport ga kuwooda ugu waawayn si ay u caawiyaan dib-u yagleelidda sport ga Soomaaliyeed.

·In ay ugu dambayntii ayaga oo matalaya GOS ay hor fariisan doonaan hay’adaha maamula sport ga dunida ayna hordhigi doonaan hanaan aad u heer sareeya oo ay Soomaaliya sport geeda dib ugu habayn karto muddo gaaban haddii gacan buuxda lagu siiyo.

Kulankan iyo kuwa la midka ah ee ay madaxda GOS la qaadanayaan ha’adaha iyo shirkadaha ka shaqeeya Sport ga ayaa waxa uu bilow u yahay kulamo badan oo ay la gali doonaan ururadaas mudada ay ku sugan yihiin dalkan UK si ay uga mira dhaliyaan isla markaana taageero ugu helaan dib u dhiska sport ga dalkeena.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.