Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Calanka Soomaaliya oo laga dhex taagay tuulada Olimbikada ee London 2012.

0
Saturday July 21, 2012 - 16:01:06 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calanka Soomaaliya oo laga dhex taagay tuulada Olimbikada ee London 2012.

    Xaflad calan saar ahayd oo ay soo agaasimeen guddiga qabanqaabada cayaaraha Olimbikada adduunka ee London 2012 looguna tala galay in lagu tumo astaanta laguna saaro calanka dalka Soomaaliya ayaa shalay ka dhacday tuulada Olimbikada ee magaalada Londo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad calan saar ahayd oo ay soo agaasimeen guddiga qabanqaabada cayaaraha Olimbikada adduunka ee London 2012 looguna tala galay in lagu tumo astaanta laguna saaro calanka dalka Soomaaliya ayaa shalay ka dhacday tuulada Olimbikada ee magaalada London. Xafladdan oo ka mid ahayd xafladaha sida gooni goonida ah loogu sameeyo dhamaan dalalka ka soo qaybgalay cayaarahan ayaa waxaa halkaasi loogu sameeyey wafdiga iyo cayaartoyda dalkeena Soomaaliya dhoola tus iyo fantasiyo lagu waynaynayo ka soo qaybgalkooda cayaarahan Olimbikada adduunka iyo sida ay dalkan Ingiriisku iyo guddiga qabanqaabaduba ugu faraxsan yihiin in ay cayaarahan qayb ka noqdaan. Damaashaadkan intii uu socday ayaa waxaa halkaasi uu duqa tuulada Olimbiakdu ku gacan qaaday kuna soo dhaweeyey halkaasi madaxa wafdiga Soomaaliyeed Cumar C/Qaadir (Baarajab) ayadoo halkaasina ay isku waydaarsadeen hadiyado ka dibna lagu garaacay muusikada astaanka calanka Soomaaliya isla markaasina si rasmi ah looga dhextaagay calankeena tuulada Olimbikada. Guddoomiyaha GOS Duraan Axmed Faarax, Xoghayaha GOS C/Laahi Axmed Tarabi, guddoomiyaha XSCF Prof Maxamed Cali, guddoomiyaha XSKL Prof Maxamed Cali Caddow, gudoomiyaha ururka warfidiyeenada sport ga Soomaaliyeed (SSPA) C/Casiis Goodax, guddoomiye ku xigeenka SSPA ahna madaxa warfaafinta XSKC, Shaafici Muxiyaddiin, guddoomiye ku xigeenka XSCF C/Laahi Saneey, Dhakhtarka qaaska ah ee GOS Dr Cabdi (CIA), orodyahankii caanka ahaa Cabdi Bile Cabdi, Faysal Makaraan oo ka mid ah xubnaha GOS, macalinka iyo orodyahanada dalkeena ayaa ka mid ahaa dadkii goobjooga ka ahaa xafladdan lagu waynaynayey calankeena. Bahwaynta sport ga magaalada London qaarkood oo ay horkacayeen guddoomiyaha ururka midaynta qurbajoogta ahna la taliyaha guddoomiyaha GOS Axmed-Nuur Maxamed Xaashi iyo Xiddigtii kubadda kolayga dalkeena Xaawo Sheakh Axmed (Xaawo taako) ayna ka mid ahaayeen Xuseed Deeq, Cabdinaasir Physio, Dahabo, gabyaaga caanka Abtidooniyo kuwa kale ayaa ka mid ahaa dadkii jaaliyadda Soomaaliyeed uga qaybgalay xafladdan qiimaha badnayd. Damaashaadkii iyo xafladdii qiimaha badnayd ka dib ayey madaxdii iyo xubnihii jaaliyaddu waxay booqdeen guryaha ay wafdiga Soomaaliyeed ka degan yihiin tuulada ayadoo ay halkaasina ku guddoonsiiyeen orodyahanada hadiyado yaryar oo ay ugu talagaleen in ay ku dhisaan niyaddooda ugu muujiyaan taageeradooda waxaana halkaasi la isku waydaarsaday fikrado iyo aragtiyo dhamaantood waxtar u leh hour socodka sport ga dalkeena. Sawiro dheeri ah ka daalaco boga facebook ga ee GOS. (Halkan Riix)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.