Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Wasiirka Sportga Soomaaliya oo maanta booqday tuulada Olimbikada ee London 2012.

0
Sunday July 29, 2012 - 18:37:30 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Sportga Soomaaliya oo maanta booqday tuulada Olimbikada ee London 2012.

    Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo sport ga dawladda ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya mudane Maxamuud Jirde Xuseen ayaa maanta cayaartoyda iyo wafdiga soomaaliyeed ee ka qaybgalaya cayaaraha Olimbikada adduunka ku booqday guriga ay ka degan yihiin tu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo sport ga dawladda ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya mudane Maxamuud Jirde Xuseen ayaa maanta cayaartoyda iyo wafdiga soomaaliyeed ee ka qaybgalaya cayaaraha Olimbikada adduunka ku booqday guriga ay ka degan yihiin tuulada olimbikada ee London 2012.

Wasiirka oo ay wehliyeen guddoomiyaha guddiga olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax, xoghayaha GOS C/laahi Axmed Tarabi iyo madaxa wafdiga Soomaaliya Cumar Baarajab ayaa waxaa uu ku soo wareegay hoyga ay degan yihiin orodyahanada iyo wafdiga kale wuxuuna warbixino ka dhagaystay madaxa wafdiga Cumar baarajab oo uga warbixiyey degaankooda, wixii u qabsoomay ilaa iyo markii ay yimaadeen iyoo waliba diyaargarawgooda cayaaraha ku soo fool leh wuxuuna ku soo dhaweeyey wasiirka ugana mahadceliyey booqashadiisa.

Guddoomiyaha GOS oo asaguna ka hadlay soo dhawyntii wasiirka ayaa uga mahadceliyey taageerada uu had iyo goor la garab taagan yahay GOS ayna ugu horeyso in asaga oo shaqooyin fara badan wadanka ka haya uu hadana u nuujiyo taageeradiisa wafdiga Soomaaliyeed kalana soo qaybgalo furitaanka cayaaraha Olimbikada adduunka kuna soo booqdo hoygooda Olympic Village.

Wasiirka oo ugu dambayntii la hadlayey wafdiga iyo orodyahanada Soomaaliyeed ayaa asaguna uga mahadceliyey GOS dadaalka ay ugu jiraan in ay muujiyaan korna u qaadaan sharafta iyo karaamada dalkooda isla markaana ay calanka Soomaaliyeed oo goobo badan oo adduunka la isugu yimaado aan ka dhex muuqad ka dhexmuujiyaan tartamada ugu waawayn dunida uuna ku tilmaami karo geesiyaal mudan in taariikhda lagu xuso.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xoghayaha GOS C/Laahi Axmed Tarabi, guddoomiyaha xiriirka cayaaraha Fudud Prof Maxamed Cali, Guddoomiyaha XSK Laliska Prof Maxamed Cali Caddow, halyeygii cayaarihii fududaa ee dalkeena Cabdi Bile Cabdi, guddoomiye ku xigeenka XS Cayaaraha fudud C/Laahi Saneey, macalinka iyoorodyahanada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay dhamaantood uga mahadceliyeen wasiirkadhiirigelinta xoogan oo uu ku dardargelinayo GOS iyo xiriirada dalkaba taasoo muujinaysasida uu ugu faraxsan yahay horumarka yar ee ay samaynayaan iyo sidii uu u taageeri lahaa horumarkaas intaba.

Maxamuud Jirde oo ka hadlayey sida uu u arko in Soomaaliya oo ku jirtay colaad iyo dagaalo ay maanta dhex joogaan waxna la qaybsanayaan 204 dawladood oo dunida ka tirsan ayaa ku amaanay GOS hawshan baaxadda leh ee ay hayaan wuxuuna dhinaciisa balan qaaday in uu ku dadaali doono sidii uu uga qaybqaadan lahaa dib-u dhiska sport ga dalka gacana ugu siin lahaa GOS iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya horumarinta dhalinyarada iyo sport ga sidii loo gaari lahaa hadafkaas.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay wafdiga iyo orodyahanadaba in ay ku dadaalaan ilaalinta sumcadda dalkooda ayna yihiin safiiro dalkooda u jooga cayaarahan Olimbikada, wasaaraddiisuna la qaybsan doonto wanaaga iyo xumaanta ay keenaan asagoo ugu dambayntiina u rajeeyey in ay guulo ka keenaan tartamada ay geli doonaan.

Hoyga ay ka degan yihiin Tuulada Olimbikada wafdiga Soomaaliyeed ayaa waxaa si joogta ah u booqda dad magac ku leh bulshada sport ga Soomaaliyeed oo isugu jira odayaal, cayaartoy hore, weriyayaal iyo dadka ka shaqeeya sport ga si ay ugu dhiirigeliyaan isla markaana ugu muujiyaan taageeradooda GOS iyo orodyahanada ka qaybgalaya tartankan halka tiro aad u badan oo ka tirsan shacabka Soomaaliyeed ee jecel sport guna ay taageeradooda iyo dhiirigelintoodaba ku muujinayaan baraha facebook ga iyo twitter ka ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.