Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Warsaxaafadeed ku saabsan war ka baxay telifishanka Universal.

0
Saturday August 11, 2012 - 16:42:43 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warsaxaafadeed ku saabsan war ka baxay telifishanka Universal.

    Waxaa shalay laga baahiyey qaar ka mid ah hay’adaha warfaafinta Soomaaliyeed gaar ahaan Telifishanka Universal war sheegayey in cayaartoydii xulka qaranka ee cayaaraha fudud uga qaybgalayey tartanka Olimbikada Adduunka Maxamed Xasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay laga baahiyey qaar ka mid ah hay’adaha warfaafinta Soomaaliyeed gaar ahaan Telifishanka Universal war sheegayey in cayaartoydii xulka qaranka ee cayaaraha fudud uga qaybgalayey tartanka Olimbikada Adduunka Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax ay magangalyo siyaasadeed waydiisteen dawladda Ingiriiska, warkaasi oo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana laga been abuurtay cayaartoydaasi magaca iyo sharafta u soo jiiday shacabka Soomaaliyeed mudadii saddexda usbuuc ahayd ee ay ku sugnaayeen dalkan Ingiriiska.

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed, xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya iyo cayaartoyda xulka qaranka ayaa waxa ay shalay si wadajir ah uga qaybgaleen kulan uu wasiirka dawladda ingiriiska u qaabilsan horumarinta qaaradda Afrika kula qaatay xafiiska wasaaradda arimaha dibadda ee magaalada London,kulankaasoo looga hadlayey waayaragnimadii ay wafdiga Soomaaliyeed iyo orodyahanaduba kala kulmeen dalkan Ingiriiska iyo sida ay dawladda Ingiriisku uga qaybqaadan karto horumarinta sport ga dalka gaar ahaan sidii sport ga loogu adeegsan lahaa nabadaynta dalka.

Kulankan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen warfidiyeeno ka kala socday telifishanada iyo jaraa’idada dalkan Ingiriiska iyo waliba kuwa Soomaaliyeed ayaa waxaa guddiga olimbikada Soomaaliyeed fajac iyo amakaag ku noqotay warkan laga baahiyey telifishanka Universal kaasoo haba yaraatee aan ka mid ahayn qodobadii looga hadlay kulankan isla markaana ay garan la’yihiin halka laga soo xigtay iyo ujeedada ka dambaysa intaba.

Sidaasi darteedGuddiga Olimbikada Soomaaliyeed waxa uu caddaynayaa in orodyahanada Soomaaliyeed ee Maxamed Xasan iyo Samsam Maxamed ay labaduba ku sugan yihiin gudaha tuulada olimbikada ee magaalada London halkaasoo ay si Soomaalinimo leh ugu matalayaan dalkooda, guddiga ayaa dhinaca kale cambaaraynaya warkan aan salka iyo raadka lahayn ee uu shaaciyey telifishanka Universal iyo waliba shabakadaha Soomaaliyeed qaarkood oo ayagu ka soo xigtay warkaas wuxuuna uga digayaa warfidyeenada iyo hay’adaha warfaafineed ee caadaystay in ay qoraan ama sheegaan warar aan sal lahayn in ay ka waantoobaan wararka noocaas oo kale ah haddii kale ay ayagu qaadi doonaan mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhalata wararkaasi.

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.