Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo ka murugoonaysa geeridii guddoomiye kuxigeenkii guddiga.

0
Friday September 07, 2012 - 14:28:30 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo ka murugoonaysa geeridii guddoomiye kuxigeenkii guddiga.

    Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo dhamaan bahwaynta sport ga Soomaaliyeed ayaa saaka ku waabariistay warkii naxdinta lahaa ee geeridii alaha u naxariistee Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii GOS oo xalay ku geeriyooday dalka M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo dhamaan bahwaynta sport ga Soomaaliyeed ayaa saaka ku waabariistay warkii naxdinta lahaa ee geeridii alaha u naxariistee Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii GOS oo xalay ku geeriyooday dalka Malaysia xanuun muddo yar hayey ka dib. Guddoomiyaha GOS asagoo aad uga tiiraanyeysan isla markaana ku hadlaya magaca dhamaan bahda Olimbikada Soomaaliyeed iyo bahwaynta sport ga ayuu waxa uu cabiray dareenkiisa xanuunka badan ee ku aadan geeridan naxdinta leh ee mar kale soo foodsaartay bahda olimbiakada sanadkan 2012 dhexdiisa. "Waxaan aad uga naxay ugana calool xumaaday markii aan maqlay xalay geeridan naxdinta badan ee ku timid walaalkeen Xaaji Cabdi oo asagu si hagar la'aan ah ugu soo shaqeeyey horumarinta sport ga Soomaaliyeed waxaanan ilaahay uga baryeynaa in uu naxariiistii jano siiyo dhamaan eheladii iyo caruurtii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo" ayuu yiri guddoomiyaha GOS. Warbixinta laga soo saaray geerida marxuumka ayaa sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu yiri " Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed waxaa ka baxay shaqsi aragti wanaagsan lahaa, noo ahaa hogaamiye, wax badana ka soo qabtay sidii sport ga Soomaaliyeed u gaari lahaa heer wanaagsan,waxaanan hubaa in hawshii uu u qabtay bulshadiisa iyo dadaalkiisiiba aanan iloobi doonin". Alaha u naxariistee Xaaji Cabdi Cilmi Warsame ayaa waxa uu horey u ahaan jiray cayaartoy kubadda cagta ah asagoo ka dibna ka mid noqday garsoorayaashii caalamiga ahaa ee kubadda cagta waxaana uu burburkii dawladdii dhexe ee dalka ka dib ka mid noqday odayaashii tirada yaraa ee u istaagay sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen sport ga dalka asagoo ka dibna loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka GOS sanadkii 2009 kii.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.