Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo u hambalyeynaya madaxwaynaha cusub.

0
Tuesday September 11, 2012 - 16:00:54 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo u hambalyeynaya madaxwaynaha cusub.

    Guddiga olimbikada soomaaliyeed asagoo ku faraxsan doorashada taariikhiga ah ee ka dhacday magaalada Mogadishu markii ugu horeysay dhawr iyo afartan sanadood ka dib waxa uu soo dhawaynayaa soo xulitaankii xubnaha baarlamaanka iyo doorashadii madaxway

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga olimbikada soomaaliyeed asagoo ku faraxsan doorashada taariikhiga ah ee ka dhacday magaalada Mogadishu markii ugu horeysay dhawr iyo afartan sanadood ka dib waxa uu soo dhawaynayaa soo xulitaankii xubnaha baarlamaanka iyo doorashadii madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud. Guddiga olimbikada soomaaliyeed oo ka mid ah ururada u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada waxa ay hambalyo u dirayaan madaxwaynaha cusub ee dalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo ah shaqsi ka mid ahaan jiray dadkii hawlaha baaxadda leh ka soo qabtay arimaha bulshada dalkeena kana soo shaqeeyey ururo badan oo u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada. GOS waxa uu sidoo kale hambalyo u dirayaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed oo muujiyey karti, soomaalinimo iyo xilkasnimo dheeraad ah oo ku aadan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen dhibaatada mudada dheer uu ku soo jiray isla markaana ku dhiiraday in ay dalka gudihiisa ku doortaan hogaan wanaagsan oo uu shacabkoodu ku farxay meel kasta oo ay joogaan. Cayaaruhu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha isku xira iskuna soo dhaweeya bulshada waxaanan ka rajaynaynaa madaxwaynaha cusub mudane Xasan Sheikh Maxamuud in uu siiyo ahmiyad gaar ah sport ga iyo horumarkiisa si dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan fursado ay ku kulmaan isla markaana uga qaybqaataan dib-u dhiska iyo dib-u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.