Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo Reebtay Sudan.

0
Saturday September 22, 2012 - 12:15:00 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo Reebtay Sudan.

    Xulka Kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta oo jimco ah xulka dhigooda ah ee Sudan ku reebay wareega hore ee isreebreebka cayaaraha dhalinyarada Qaarada Africa, kaddib cayaar aad u adkeyd oo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta oo jimco ah xulka dhigooda ah ee Sudan ku reebay wareega hore ee isreebreebka cayaaraha dhalinyarada Qaarada Africa, kaddib cayaar aad u adkeyd oo ka dhacday magaalada Khartoum. Cayaarta oo ahayd mid adag ayaa waxaa koox waliba ka go’neyd in ay urursato 3-da dhibcood ee lagu helo guusha cayaarta isla markaana ay usoo gudubto wareega labaad ee is reeb reebka cayaaraha dhalinyarada Africa, waxaana qeybtii hore ee cayaartu ay kusoo dhamaatay 0-0, inkastoo xaga weerarka ay ciyaartoyda Soomaalidu weerar badnaayeen.

Macalinka xulka qaranka Maxamed Cabdulle Farayare oo ka hadlayay shir jaraa’id dhamaadkii cayaarta kaddib ayaa sheegay in markii qeybta hore dhamaatay uu sameeyay is badal weyn oo dhanka weerarka ah taasina ay keentay in Soomaaliya ay hesho gool daqiiqadii 78-aad, waxaana goolkaas u saxiixay cayaaryahan Maxamuud Cabdi Nuur oo loo yaqaano Meman .

Cayaaryahankan ayaa kusoo baxay cayaarihii goballada ee 2 sanadood ka hor ka dhacay magalada Garowe.

“Goolka aan xiliga dambe helnay wuxuu shiiqiyay rajadii Sudan ay lahaayeen dhanka kalana wuxuu sare u qaaday niyada wiilasheyda yar yar—Si kasta oo aan u nahay dad ka yimid dal dagaalo la dageen hadana waxaan aad ugu faraxsanahay guusha aanu gaarnay”ayuu saxaafada u sheegay macalin Maxamed Cabdulle Farayare.

Sida caadiga ah cayaaraha waxaa loo dheelaa HOME iyo AWAY laakin labada xiriir ee Soomaaliya iyo Sudan ayaa ku heshiiyay in hal cayaar lagu qabto Khartuum iyadoo sababtuna tahay xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti oo ah meesha ay Soomaaliya ka dhigatay gurigeeda ku meel gaarka ah ayaan hada lahayn wax hogaan ah, taasina ay keentay in Soomaaliya ay weyso meel ay cayaar caalami ah ku martigelin karto.

Si kastaba ha ahaatee soomaaliya maanta waxaaay usoo gudbtay wareega labaad ee cayaaraha dhalinyarada Africa waxaana 12-ka bisha soo socota ay la cayaari doontaa dalka Algeria lugta hore halka lugta labaadna ay ka dhici doonto magaalada Algeris 26-ka isla bisha October.

“Inkastoo wali aan ku dhex jirno dhibaatooyin fara badan oo dalka ka jira hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu dadaal xoogan ku bixiyay sidii kor loogu qaadi lahaa xulalka kala duwan hadii ay ahaan lahaayeen kuwa yaryar ama kuwa waaweyn, waxaana qabnaa rajo ah in kubada cagta Soomaaliya ay wax badan iska badalaan sanadaha soo socda”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo galabta saxaafada la hadlay.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminaya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaanay dalka dib ugusoo laaban doonaan todobaadka inasoo aadan iyagoo Transit kusoo ah magaalada Nairobi.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.