Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Taageerayaasha Soomaalida oo ka yaabsaday Shacabka Sudan

0
Saturday September 22, 2012 - 12:22:17 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Soomaalida oo ka yaabsaday Shacabka Sudan

    Boqolaal ka mida jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sudan ayaa maanta wacdare lala yaabay ka dhigay garoonka kubada cagta Khartuum Stadium kaddib markii ay garoonka kusoo wareejiyeen iyagoo xambaarsan guddoomiyaha wafdiga Soomaaliya Cali cabdi Maxamed (

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal ka mida jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sudan ayaa maanta wacdare lala yaabay ka dhigay garoonka kubada cagta Khartuum Stadium kaddib markii ay garoonka kusoo wareejiyeen iyagoo xambaarsan guddoomiyaha wafdiga Soomaaliya Cali cabdi Maxamed (Cali Shiino) iyo macalinka qaranka Maxamed CabdulleFarayare Suudaaniyiinta ayay fajiciso ku noqotay kaddib markii ay arkeen shacab farabadan oo iyagoo aan marnaba daaleyn kor u sida guddoomiyaha wafdiga oo ay kusoo wareejiyeen garoonka, waxaana taasi ay timid kaddib markii garsooruhu ku dhawaaqay seerigii astaanta u ahaa dhamaadka cayaarta oo xulka da’yarta Soomaaliya ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Sudan.

“”Waxaa aad ii cajabiyay taageerayaasha Soomaalida oo aad uga xamaasad badnaa kuwa Sudan ee dalkooda la joogo—90-kii daqiiqo marnaba maanay aamusin waxaabana iigusii yaab badnaa markii la arkay iyagoo xambaray oo garoonka kulasoo wareegay ninkii wafdiga Hogaaminayay Cali Cabdi Maxamed iyo Macalin Farayare”sidaasi waxaa yiri Badru Eldin oo ah wariye Sudani ah oo ka tirsan ururka warfaafinta CECAFA.


Waxaa Badur Eldi nuu sheegay in uu aad ula dhacay qaabka ay isusoo abaabuleen taageerayaasha Soomaalida taasina ay isaga iyo wariyeyaal kale ku xambaartay in kaamarooyinkooda ay u jiheeyaan dhanka taageerayaasha Soomaalidu ay ka sacbinayeen.

“Waan jeclaa in xulkeenu badiyo laakin hadana waan u hambalyeynayaa ciyaartoyda iyo shacabka Soomaaliyeed intaba—si gaar ah saaxiibada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo ciyaartoydooda ayaan ugu hambalyeynayaa”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Badru Eldin oo ka mida saxafiyiinta ugu caansan dalka Sudan oo qoraal hambalyo ah usoo diray xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Si kastabaha ahaatee xulka qaranka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta Axada ah ee inasoo aadan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho iyadoo muddo kooban ay ka xigto xiliga ay lugta labaad ee is reeb reebka cayaaraha dhalinyarada Africa la yeelanayaan dalka Algeria oo ka mida dalalka ku horeeya kubada cagta ee Afrika.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.