Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo Xaflad Dhiirigelin u Sameysay Xulka Kubadda Cagta ee 17-jirada.

0
Saturday September 29, 2012 - 12:04:22 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo Xaflad Dhiirigelin u Sameysay Xulka Kubadda Cagta ee 17-jirada.

    MUQDISHO: Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Xaflad dhiirigelin iyo soo dhaweyn guushii Xulka Qaranka ee da`doodu ka yar tahay 17ka sano oo 21kii bishan magaalada Khartoum xulka dalka Suudaan ay kaga reebeen wareegii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO: Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Xaflad dhiirigelin iyo soo dhaweyn guushii Xulka Qaranka ee da`doodu ka yar tahay 17ka sano oo 21kii bishan magaalada Khartoum xulka dalka Suudaan ay kaga reebeen wareegii hore Tartanka Isreeb-reebka Ciyaaraha Dhallinyarada Qaaradda Afrika. Ugu horeyn Guddoomiyaha wafdiga Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa ka warbixiyay xulka isagoo tibaaxay in ay xulka muujiyeen isku xirnaan, asluub tasoo uu sheegay in ay suragelisay inay guul Taariikhi soo hoyaan. GuddoomiyahaXSKCCali Siciid Guuleed ayaa uga Mahadceliyay GOS dhiirigelinta ay xulka u sameeyeen wuxuuna tilmaamay in dadaal weyn loo soo galaycarbinta xulka 17-jirada oo uu sheegay in ay yahiin geeseyaal muujiyay horumarka K/Cagta dalkeena. Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax ayaa sheegay in ay farxad u tahay GOS inay kala qeybqaadato bahda Isboortiga farxadda guusha xulka ka gaaray tartanka dhallinyarada Qaaradda Afrika. "Aad ayaan ugu faraxsanahayguushan , waxay tani cadeyn u tahay in Isboortigu u baahan yahay in lagu fara adeegodadaalkii badnaa ee la muujiyay loogana qeybgalay tartamadii caalamiga ahaa waxay mirahiisu noqdaan guulahan, Xulka wuu badiyay qiimeyntii FIFA ee Soomaaliya kor ayay u kacday – waxaana idinku adkeynayaa in la muujiyo dadaal dheeri ah si sumcadda Ciyaaraha Soomaaliya ay kor uga sii kacdo"ayuu yiri Guddoomiyaha GOS Duran Axmed Faarax. Wasiiru dowlaha Wasaaradda ShaqadaShaqaalaha Dhallinyarada iyo Isboortiga Cabdullaahi Sheekh Cali [Qaloocoow] ayaa sheegay inuu goob joog u ahaa guusha Taariikhiga ahayd , wuxuuna xusay inuu Isboortigu u baahan yahay taageero dhinac walba ahsi niyadda ciyaartoyda u noqoto mid sareysa. Wuxuuna balan qaaday in wasaaradiisu gacan ka gaysanayso horumarinta iyo dhiirigelinta Isboortiga guud ahaan. Dhinaca kale Garsooraha Caalamiga Xasan Aadan X. Yabaroow (Xasan Wiish) ayaa xulka guddoonsiiyayabaalmarin lacageed oo dhan 500$ oo uu sheegay inWish Academy ay ku dhiirigelinayso guusha Taariikhiga oo ay gaareen xulka ka yar 17-jirada. Guud ahaan Xafladdan Qado Saharafta oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada GOS, Ciyaartoyda Xulka. Iyadoo si weyn lagu soo dhaweeyay guushaxulka da`yarta 17-jirada, waxayna ahayd mid ay ka muuqatay farxad, dhiirigelin iyo dardaaran la xiriira in xulka guulo ka soo hoyaan kulmada ku soo fool leh sida kan ay ku balansan yahiin Xulka Algeria 12ka bisha Oktoobar. Said Ibrahim Hussein (BUUNA)Cell Phone: +2526-1-5520008/ +14434409441Email:buuna@isboorti.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.