Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo Aqoon Kororsi Maamulka u Furay Xiriirada & Ururrada Isboorti

0
Wednesday October 17, 2012 - 11:57:04 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo Aqoon Kororsi Maamulka u Furay Xiriirada & Ururrada Isboorti

    MUQDISHO: Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa Xaruntiisa magaalada Muqdisho uga furay xubno ka socday Xiriirada iyo Ururada Isboorti Aqoon Kororsi la xiriira Maamulka Isboortiga ee heer Qaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO: Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa Xaruntiisa magaalada Muqdisho uga furay xubno ka socday Xiriirada iyo Ururada Isboorti Aqoon Kororsi la xiriira Maamulka Isboortiga ee heer Qaran. "Aqoon Kororsigan la xiriira Maamulka Isboortiga waa mid sare loogu qaadayo mas`uuliyiinta ama howlwadeenada Isboorti ee heer Qaran, sida aad la socotaan GOS waxaa ka go`an inay aad u dhisto aqoonta heer maamul ee Xiriirada sanadkiibasaddex jeer ayaana la qabtaa – waxaan rajeynayaa aqoonta aad kororsataan inaad ku dabaqdaan Xiriirada aad ka timaadeen si horumarka Isboortiga Soomaaliyeed u noqdo mid ku saleysnaada Maamul wanaag" sidaas waxaa yiri guddomiyaha XSKG ahna Kaaliyaha Xoghayaha guud ee GOS Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo ka hadlayay furitaanka Aqoon kororsigan. Dhanka kale Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) ayaa ku daray dardaaran la xiriira ka qeybgalayaasha Aqoon kororsigan Maamulka Isboorti, wuxuuna ku adkeeyay inay si weyn uga faa`ideystaan casharada la siinayo si ay iyaguna ugu gudbiyeen xubnaha kale ee aan nasiibka u helin, wuxuuna raaciyay in aqoon kororsiyadii ka horeeyay ee noocan oo kale ay muuqatay Xiriirada inay ka dhaxleen faa`idooyin dhanka Maamulka Isboortiga. Si kastaba, Aqoon Kororsigan Maamulka Isboorti ayaa casharada lagu qaadanayay ka mid ahaa Maamulka Qorsheynta, Qabasho-Fulinta iyo Qiimeynta, waxaa casharada bixinaya Khabiirka dhinaca Maamulka Maxamed Axmed Tarabi. Iyadoo ku talagalka uu yahay inuu socdo muddo labo maalmood 15-16/10/2012. Said Ibrahim Hussein (BUUNA)Cell Phone:+2526-1-5520008/+1443440944


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.