Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta oo ka furmay Muqdishu.

0
Wednesday December 05, 2012 - 17:20:42 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta oo ka furmay Muqdishu.

    MUQDISHO: Horyaalkii 13aad Kubadda Gacanta ayaa ka furmay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho. Iyadoo ay ka soo qeybgaleen furitaanka tartarkan mas`uuliyiin ka socotay wasaaradda Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir, GOS iyo madaxd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO: Horyaalkii 13aad Kubadda Gacanta ayaa ka furmay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho. Iyadoo ay ka soo qeybgaleen furitaanka tartarkan mas`uuliyiin ka socotay wasaaradda Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir, GOS iyo madaxda Xiriirada kala duwan. Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan [Eenoow] ayaa ugu horeyn ka warbixiyay kooxaha ka qeybgalaya Horyaalkan isagoo dhinaca kale u Mahadceliyay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo gacan ka gaysatay dayactirka garoonka lagu ciyaarayay. "Waxaan rajeynaynaa in Tartankan guul inoogu dhamaado, waxaa ka qeybgalaya 6 koox oo kala ah Heegan, Dekedda, Horseed, Nationlink, Dowladda Hoose iyo Fero, Waxaa lagu maamulaya xeerarka Caalamiga ee K/Gacanta, waa is-arag hore iyo mid danbe. waan idin Mahadcelinayaa - dhamaan macalimiinta, Madaxda Kooxaha iyo Ciyaartoyda. Sidoo kale Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud aad ayaan ugu Mahadcelinaynaa sida ay dib ugu soo celisay bilicdii garoonkan. Mar walba waxaa inaga go`an inaan kor u qaadno horumarinta ciyaaraha K/Gacanta." Ayuu yiri Guddoomiye Eenoow. Kusimaha Guddoomiyaha GOS Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman) iyo Agaasimaaha guud ee Wasaaradda Isboortiga Aweys Sheekh Xadaad ayaa dhinacooda u mahadceliyay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Gacanta oo ay ku amaaneen dadaalka uu mar walba ka muujiyo dardargelinta Tartamada iyo horumarinta Ciyaarta Kubadda Gacanta. Waxayna ciyaartoyda kula dardaarmeen inay soo bandhigaan ciyaar asluub iyo farsamo ku dheehan tahay. Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha HEEGAN iyo D/HOOSE waxaana si xarago leh ay guusha ku raacday HEEGAN oo 27-17 ku quusiyay D/HOOSE. Daawashada Horyaalka 13aad waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir , GOS, Madaxda Xiriirada iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska, waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Guddoomiyaha XSF Maxamed Axmed Coloow (Xaaji Coloow), Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee W/Isboortiga Saacid Maxamed Xasan (Baariyoow), Agaasimaha Isboortiga Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maye {Walker} iyo Taliyaha Akadeemiyadda Jeneral Kaahiye ( Axmed Dhaga-Caleen). Said Ibrahim Hussein (BUUNA) Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441 Email:buuna@isboorti.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.