Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo ka qaybgalaysa kulan muhiim u ah Sport ga dunida (Doha Goals 2012) .

0
Sunday December 09, 2012 - 22:21:15 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo ka qaybgalaysa kulan muhiim u ah Sport ga dunida (Doha Goals 2012) .

    Guddoomiyaha GOS Duraan Axmed Faarax ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar uga qaybgalaya kulan uu soo qabanqaabiyey ururka Doha Goals ayna isugu imaanayaan in ka badan 300 oo ka mid ah hogaamiyayaasha hay'adaha ka shaqeeya Sport ga iyo kuwa xiriirk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha GOS Duraan Axmed Faarax ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar uga qaybgalaya kulan uu soo qabanqaabiyey ururka Doha Goals ayna isugu imaanayaan in ka badan 300 oo ka mid ah hogaamiyayaasha hay'adaha ka shaqeeya Sport ga iyo kuwa xiriirka la leh loogana doodayo arimo badan oo quseeya sport ga caalamka. Kulankan oo ah kii ugu horeeyey oo noociisa ah ayaa waxaa hadalo ka soo jeedin doona khubaro ku xeeldheer sport ga iyo hay'adaha kale ee xiriirka ganacsi la leh, waxaana sida ay sheegeen qabanqaabiyayaasha kulankani loo qaybin doonaa ka qaybgalayaasha afar qaybood oo laga rabo in ay si cad u sharaxaan talaabooyinka ku haboon si loo suurtageliyo qabsoomiddooda iyo waliba fursadaha kale ee jira intaba kuwaasoo kala ah: Sida ugu haboon ee xiriirada iyo guddiyada sport ga adduunku u gaari karaan hadafkooda urur ahaaneed. Sida loogu dhiirigelin karo haweenka iyo gabdhaha in ay ka qaybqaataan sport ga in ka badan inta ay hadda ka qaybqaataan. Sida ugu haboon ee sport ga loogu adeegsan karo in lagu baabi'iyo dhibaatooyinka ay caruurta iyo dhalinyaradu kala kulmaan mujtamaca ay ku dhex nool yihiin. Iyo sida loo horumarin karo dhaqaalaha sport ga iyo maarayntooda intaba. Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa waxaa kulankan uga qaybgalaya guddoomiyaha GOS Duraan Axmed Faarax waxaana uu intii uusan ka duulin magaalada London ii sheegay in mudada uu joogo kulankan iyo dalka Qatar ba uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doono madaxda iyo qubarada ka soo qaybgalaysa kulankan uuna kala hadli doono sidii loogu taageeri lahaa GOS soo noolaynta hay'adihii sport ga dalka Soomaaliya iyo sidii sare loogu qaadi lahaa awoodooda wax qabad intaba."Waxaan balamo kula leeyahay magaalada Doha madax badan oo ka mid ah kuwa dunida sport ga waxaanan u gudbin doonaa qorshaheena waxqabad ee xiligan kala guurka dalkuna uu aad uga soo kabsanayo dagaaladii sokeeye isla markaana ay soo hagaagayso nabadgelyadii" ayaa ka mid ahaa hadaladii Duraan Doha Goals ayaa la aas aasay sanadkan bilowgiisii ayadoo kulankii hordhaca ahaa ee kulankana uu dhacay bishii Janaayo ayadoo ulajeedada ugu wayn ee loo sameeyey hay'addanina ay tahay in ayadoo ay iskaashanayaan dhamaan hay'adaha dawliga ah iyo kuwa aan ahayn intaba ay ka shaqeeyaan sidii "Bulshada lagu horumarin lahaa ayadoo la adeegsanayo cayaaro ama sport" waxaana dadka ka soo qaybgalaya kulankan ka mid ah madaxwaynayaal, madaxwaynayaal hore, macalimiin jaamacadeed, guddoomiyayaasha hay'adaha iyo xiriirada sport ga dunida, shirkadaha ganacsiga kuwooda ugu waawayn dunida iyo martisharaf kale waxa uuna socon doonaa laba maalin iyo bar.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.