Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta oo habsami uga socda Muqdisho

0
Sunday December 09, 2012 - 22:28:53 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta oo habsami uga socda Muqdisho

    MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta, waxaana ciyaar aad u kulul isaga horyimid Kooxaha Dekedda iyo Horseed . iyadoo ay guusha raacday Dekedda oo 14-1

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta, waxaana ciyaar aad u kulul isaga horyimid Kooxaha Dekedda iyo Horseed . iyadoo ay guusha raacday Dekedda oo 14-11 ku quusiyay Horseed. Ugu horeyn ciyaarta ayaa waxay ku bilaabatay dardar, iyadoo labada kooxood goolasha ay iska dhalinayeen u muuqdeen kuwo su`aal iyo jawaab oo Koox walba mar ayay shabaqa gool ku hubsatay. Waxaa qeybtii hore u muuqatay mid ciyaarta ay isku dheelitiran tahay. Qeybtii labaad ayay ciyaarta isbedel sameysay waxaa goolal ku horumar ciyaaryahanada Horseed, Laakiin waqtiyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa fursad helay kooxda Dekedda ka dib markii ciyaaryahano lafdhabar u ahaa Horseed qaladaad ay galeen awgiis looga saaray garoonka sidaasna ay 14-11Dekedda kulankaas ku soo afjartay. Waxaa ciyaartan ka xusi karnaa ciyaaryahanadii ugu cadcadaadhanka DekeddaSayid Cali (Kuukaay), Xamza Xaaji Cabdi iyo Maxamed Cumar, Dhanka HorseedLibaan iyo C/Jibaar. Waxaa ciyaartan xiisaha lahaydgarsoorayay Maxamed Xasan Fiidoow iyo C/raxmaan Suufi Karaama, Dhibcaha waxaa qorayay Cusmaan Cabdi Cusmaan,Sacaadda waxaa hayay Qaasim Sheekh Maxamuud, iyadoo xeer Ilaaliye uu ahaa C/laahi Xasan Cali {Kuusoow}. Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Xiriirada GOS iyo mas`uuliyiin kala duwan - waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha XSKG MaxamedXasan Xuurshe [Eenoow], Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo), Guddoomiye ku xigeenka XSKK Cali Xasan Cali, Guddoomiyaha NSGSC C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo), Kusimaha XoghayaXSKG Xasan Maxamed Axmed (Xasanoow), Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Basaale, Guddoomiyaha Guddiga Tartamada XSKC Cali CabdiMaxamed (Cali Shiino), Xoghayaha Naadiga Dekedda Muqdisho C/llaahiMaxamed Bashiir {Quattro} iyo Taageeraha weyn Ibraahim Maxamed Qeydaraan (Adoomoow). INTA KULAN AY CIYAARTAY KOOX WALBA IYO DHIBCAHA: # MAGACA KOOXDA INTAAY CIYAARTAYKOOXDA DHIBCAHA AY LEEDADHAYKOOXDA 1 2 3 4 5 Wadar Guud 1 2 3 4 5 Wadar Guud 1 Heegan 3 3 3 3 9 2 Dekedda Isboorti.com Managing EditorSaid Ibrahim Hussein (BUUNA)Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441Email:buuna@isboorti.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.