Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirweynihii 6aad ee GOS oo lagu doortay Guddoon Cusub.

0
Thursday January 17, 2013 - 19:07:03 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynihii 6aad ee GOS oo lagu doortay Guddoon Cusub.

    MUQDISHO: Shirweynihii lixaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Jaziira magaalada Muqdisho, shirweynahan ayaa lagu doortay guddoon cusub oo uu hogaaminayo C/llaahi Axmed Tarabi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO: Shirweynihii lixaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Jaziira magaalada Muqdisho, shirweynahan ayaa lagu doortay guddoon cusub oo uu hogaaminayo C/llaahi Axmed Tarabi. Khubaddii furitaanka Shirweynahan ayaa waxaa soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur [Tarzan] wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay muddo ka dib in doorashada GOS ka qabsoonto Muqdisho, isagoo dhinaca kale balan qaaday in maamulka Gobolka Banaadir la shaqeyn doono Guddiga Olambikada iyo xiriirada hoos yimaada. Ugu horeyn waxaa shirweynaha lagu soo bandhigay waxqabadkii GOS ee sanadkii tegay 2012, sidoo kale waxaa lagu soo kordhiyay dastuurka qodobo cusub oo ay guddigu ansixiyeen. Iyadoo Xiriirada dhankooda ay soo bandhigeen waxqabadkooda . Intaas ka dib ayaa waxaa la doortay Guddiga doorashada oo soo bandhigay musharaxiinta u tartamayay Xilalka sidaasna cod loogu qaaday. C/laahi Axmed Tarabi ayaa 18 cod gacan taag ah ku helay xilka Guddoomiyaha GOS , Min 17 cod waxaa iyaguna ku hantiyay Guddoomiye Xigeen 1aad Axmed Cabdi Xasan (Wataac), Guddoomiye ku xigeen 2aad Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman), Guddoomiye ku xigeenka 3aad Ibraahim Abuukar Shaamoow. Doorashada ka dib, Guddoomiyaha GOS C/llaahi Axmed Tarabi ayaa ka mahadceliyay xilka loo idmaday, wuxuu balan qaaday isagoo kaashanaya waayo-aragnimadiisa Isboorti inuu soo kordhinayo hanaan waafaqaya qaabka Caalami ee ay u shaqeeyaan Guddiyada Olambikada dunida. Sidoo kale Duraan Axmed Faarax Kusimihii Guddoonka GOS ahaana Guddoomiye ku xigeenkii 1aad oo haatan loo doortay Xogahaya Guddiga Olambikada ayaa muujiyay siduu ugu faraxsan in Shirweynahan lagu doorto Guddoon Cusub oo uu Hogaaminayo Md. Tarabi wuxuuna ku booriyay dhamaan bahda Isboortiga inay si wadajir ah ula shaqeeyaan. Khubaddii xeritaanka Shirweynahan waxaa ka soo jeediyaWasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada iyo Wasiiru-dowlaha wasaaradaasi Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Maxamuud Ismaaciil Barkhadle oo ka dhawaajiyey inay soo dhaweynayaan doorashada sida habsamida ku dhacday waxayna xuseen in GOS howlahooda ay madax-banaan tahay isla markaana ay muhiim tahay inay kaashato Wasaaradda isboortiga, Dhinaca kalena waxay ka dhawaajiyeen inay Guddoonka cusub ee GOS iyo Xiriiradaba iskaashi yeelan doonaan isla markaana ka wada shaqeynayaan sidii loo sii wadi lahaa geedi-socodka horumarinta Isboortiga dalka. Ugu danbeyntii Shirweynahan ayaa waxaa ka qeybqaatay 9 Xiriir, 5 Zone iyo Ururo isboorti. Waxayna ku doorteen Guddoon Cusub iyo Xubnaha Guddiga Fulinta GOS ee 2013-2017. wuxuuna ku soo idlaaday jawi xiiso leh. XUBNAHA GUDDIGA FULINTA GOS 1. Maxamed Axmed Coloow2. Faadumo Cali Nuur 3. Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] 4. Khadiijo Aadan Daahir 5. Cali saciid Guuleed 6. Abuukar isloow xasan7. Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow} 8. Prof. Maxamed Cali Maxamed 9. Cumar C/qaadir Baarajab 10. C/Casiis Goodax Barre11. Prof. Yuusuf Calasoow Maxamed 12. Xasan Axmed Barre


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.