Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee GOS oo magaalada Mogadishu ku geeriyooday.

0
Thursday January 17, 2013 - 19:13:13 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee GOS oo magaalada Mogadishu ku geeriyooday.

    Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi raajicuun: ilaahay naxariistii jano ha siiyee waxaa xanuun xalay ku soo booday dartiis daqiiqado ka hor magaalada Mogadishu ugu geeriyooday guddoomiye ku-xigeenkii guddiga olimbikada Soomaaliyeed mudane Xasan Cabdi Axmed (

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi raajicuun: ilaahay naxariistii jano ha siiyee waxaa xanuun xalay ku soo booday dartiis daqiiqado ka hor magaalada Mogadishu ugu geeriyooday guddoomiye ku-xigeenkii guddiga olimbikada Soomaaliyeed mudane Xasan Cabdi Axmed (Xasan Elman) Marxuumka ayaa waxaa la sheegayaa in uusan horey u qabin waxxanuun ahilaa shalayna ku dhex jiray hawlihiisii shaqo balse uu xanuun xalay ku soo booday dartiis u geeriyooday xili dhaw waxaana ay geeridani naxdin ku noqotay dhamaan asxaabtii marxuumka iyo bahwaynta sport ga Soomaaliyeed oo ayagu wali ku dhex jiray u hambalyeynta maamulka cusub ee GOS oo uu guddoomiye ku-xigeen ka ahaa.Guddoomiyaha GOS mudane C/laahi AxmedTarabi, guddoomiye ku xigeenada GOS Cabdi Axmed Xasan (Wataac), Ibraahim Abuukar Shaamo iyo xoghayaha GOS Duraan Axmed Faaraxayagoo ku hadlaaya magaca GOS iyo dhamaan bahwaynta sport ga Soomaaliyeed kana tiiraanyeysan geeridan naxdinta leh waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuumku waxa ayna ilaahay uga baryayaan in uu janatul fardawsa geeyo.Marxuum Xasan Elman ayaa waxa uu kaalin lama ilaawaan ah ka soo qaatay dadaalkii lagu soo nooleynayey sport ga dalkeena burburkii dalka ka dib gaar ahaan kooxdii iyo hay'addii Elman oo uu magaca kula baxay waxaana uu sidoo kale xubin firfircoon ka ahaa maamulka sare ee guddiga olimbikada Soomaaliyeed asagoo horeyna ugu dhaawacmay qaraxii ay ku geeriyoodeen guddoomiyihii GOS Aaden Xaaji Yabarow (Wiish) iyo guddoomiyihii XSKC Siciid Mugaanbe oo bilowgii sanadkii hore ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada kaasoo uu ka soo kabsaday.Doorashadii Khamiistii hore ka dhacday magaalada Mogadishu ee GOS ayaa waxaailaahayha u naxariistee loogu doortay in uu guddoomiye ku-xigeenka labaad ka noqdo maamulkaasi afarta sano ee soo socota.Marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso magaalada Mogadishu haddii alaha awoodda lihi ogolaado.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.