Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kulan Wada tashi ah oo dhex maray GOS iyo wasaaradda Horumarinta A Bulshada.

0
Thursday January 17, 2013 - 19:19:34 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Wada tashi ah oo dhex maray GOS iyo wasaaradda Horumarinta A Bulshada.

    Kulan xasaasi ahaa aadna loogu lafa guray sidii wada shaqayn buuxda ay u dhexmari lahayd hay’adaha ugu sareeya sport ga dalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhex maray xafiiska wasiir ku-xigeenka wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan xasaasi ahaa aadna loogu lafa guray sidii wada shaqayn buuxda ay u dhexmari lahayd hay’adaha ugu sareeya sport ga dalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhex maray xafiiska wasiir ku-xigeenka wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada ee magaalada Mogadishu.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda Horumarinta adeega bulshada mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( B Goobe), agaasimayaasha guud iyo sport ga ee wasaaraddaasi Aways Xadaad iyo Saacid Baariyow, guddoomiyaha GOS Cabdullahi Axmed tarabi , Xoghayaha Duraan Faarax iyo dhamaan xubnaha guddiga fulinta ee GOS uuna shir guddoominayey wasiir ku-xigeenku ayaa waxaa looga hadlay sidii looga bixi lahaa kala shakiga isla markaana loogu gudbi lahaa wada shaqayn dhab ah oo dhex marta labadan hay’adood ayadoo laga duulayo horumarinta sport ga dalka iyo badbaadinta ubadka iyo dhalinyarada dalka.



Guddoomiyaha GOS mudane C/laahi Axmed Tarabi oo ka hadlay shirka ayaa uga mahadceliyey wasiir ku-xigeenka iyo agaasimayaasha wasaaradda sida sport jacaylka iyo soomaalinimadu ku jirto oo ay ugu heelan yihiin sidii talaabooyin horumar leh loogu qaadi lahaa dhinaca horumarka sport ga dalka taasina ay caddayn u tahay in sport ga dalka uu ka gudbayo caqabado badan oo horyaalay, wuxuuna dhinaciisa soo dhaweeyey talaabo kasta oo wada shaqayni ku dhexmari karto GOS iyo wasaaradda HAB iyo madaxdeedaba.


Fikrado iyo aragtiyo badan oo dhamaantood tibaaxayey qaabka looga gudbi karo wararka iyo aragtiyada loo kala gudbiyo hay’adahan iyo sida ay ku wada shaqayn karaan ayagoo kalsooni buuxda isku qaba ka dib ayaa waxaa hadalkii qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda HAB, garsoore caalami ah Bashiir Maxamed Jaamac kaasoo ku dheeraaday khilaafaadkii aan waxtarka lahayn ee ka dhaxayn jiray wasaaradda Sport ga iyo hay’adaha kale ee sport ga dalka iyo sidii ay dib-u-dhac xoogan ugu keeneen horumarka sport ga dalka xiligana ay tahay xiligii laga gudbi lahaa dib-u-dhacaas iyo khilaafaadkaasi.

“Aniga iyo wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshadu waxaan aad u danaynaynaa in aan aragno wada shaqayn wanaagsan, horumar leh, sport jacayl ku jiro oo dhex marta wasaaradda iyo GOS, waana middaas qaabka kaliya ee aan horumar ku gaarsiin karno sport ga dalka kuna soo saari karno cayaartoy tayo leh oo magic iyo maamuus u soo jiida sharafta dalkeena aan wada jecel nahay” ayuu si kalsooni leh u yiri wasiir ku-xigeenka asagoo ugu dambayntiina ku;la dardaarmay in la dhaqan geliyo mustaqbalka dhaw hanaan wanaagsan oo lagu wada shaqeeyo isla markaana in hadda wixii ka dambeeya aan loo kala turjumin labadan hay’adood ayaguna ka tashadaan aayaha sport ga dalka.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee uu xafiiskiisa ku qaabilo wasiir ku-xigeenku tan iyo markii la soo doortay xubnahan fulinta ee guddiga olimbikada soomaaliyeed waxaana la filayaa in wada shaqayntan iyo xiriirkan wanaagsan ee ka dhex bilowday labadan hay’adood ay dhiirigelin wanaagsan u noqon doonto bahwaynta sport ga Soomaaliyeed oo ayagu bartay khilaaf iyo kala shaki mar walba oo wasiir cusub la magacaabo ka dhex bilaaban jiray wasaaradda sport ga iyo hay’adaha kale ee Sport ga dalka oo ay ugu wayn tahay GOS.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.