Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xoghayaha GOS oo la kulmay madaxa Olympic Solidarity Commision.

0
Monday January 21, 2013 - 02:39:37 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha GOS oo la kulmay madaxa Olympic Solidarity Commision.

    Xoghayaha guud ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed mudane Duraan Axmed Faarax oo booqasho ku jooga magaalada Kuwait ee dalka Kuwait ayaa galabta la kulmay guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Kuwait ahna guddoomiyaha Guddiga O Asia, guddoomiyaha ururka ANO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed mudane Duraan Axmed Faarax oo booqasho ku jooga magaalada Kuwait ee dalka Kuwait ayaa galabta la kulmay guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Kuwait ahna guddoomiyaha Guddiga O Asia, guddoomiyaha ururka ANOC iyo waliba madaxa guddiga Olympic Solidarity ee guddiga Olimbikada Adduunka Sheekh Axmed Al-Sabah.

Booqashadan oo uu guddiga Olimbikada Kuwait u fidiyey xoghayaha GOS ayaa waxaa uu xoghayuhu uga warbixiyey guddoomiyaha isbadalka nabadeed iyo kan siyaasadeed ee dalka ka socda iyo waliba doorashadii Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ee bishan horaanteedii sida xalaasha ah uga dhacday magaalada Mogadishu asagoo dhinaca kalena warbixin ka siiyey qorshaha horumarineed ee ay dejiyeen GOS sidii ay dib ugu soo noolayn lahaayeen sport ga dalka.

Xoghayaha GOS mudane Duraan ayaa dhinaca kale uga mahadceliyey Shiikh Axmed booqashadan uu u fididyey iyo sida uu had iyo goor u danaynayo wax u qabadka walaalihiisa Soomaaliyeed ee xiliga dheer ku soo jiray dagaalada sokeeye.

Guddoomiyaha guddiga Olympic Solidarity oo ah hay’adda u xilsaaran guddiga olimbikada adduunka caawinta dalalka soo koraya ayaa waxa uu si aad ah u soo dhaweeyey horumarka ay ku talaabsadeen GOS iyo doorashada ay ku qabteen dalka gudihiisa wuxuuna balan qaaday in ay hay’adaha uu mas’uulka ka yahay oo idil uu kala hadli doono kalana tashan doono sida ugu haboon ee Soomaaliya looga caawin karo dib u dhiska sport ga dalka waqtiga dhaw.

“Waxaan ku dadaali doonaa sidii aad si dhaqso leh dib dhidibada ugu taagi lahaydeen kaabayaashii sport ga ee Soomaaliya anigoo u maraya Guddiga Olimbikada Adduunka, kan Asia iyo dawladda Kuwait intaba waxaanan rabaa in aan arko Soomaaliya oo si waqtiga dhaw la jaanqaada dunida kale” ayuu si dhiirigelin leh u yiri guddoomiyaha guddiga olimbikada dalka Kuwait iyo Asia Shiikh Axmed

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee maamulka cusub ee GOS ay la qaataan hay’adaha caalamiga aha ayaa waxaa uu astaan u yahay dadaalka ay GOS wado sidii ay si dhaqso leh dib ugu soo noolayn lahayd dhaqdhaqaaqii sport ee dalka ka jiray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.