Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo taageeradiisa ku biiriyey xulka kubadda kolayga.

0
Thursday January 24, 2013 - 20:34:09 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo taageeradiisa ku biiriyey xulka kubadda kolayga.

    Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa maanta waxa uu xulka kubadda kolayga Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey guulaha isdaba jooga ah ee uu ka gaaray cayaarihii uu uga adkaaday dalalka Kenya iyo Burundi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa maanta waxa uu xulka kubadda kolayga Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey guulaha isdaba jooga ah ee uu ka gaaray cayaarihii uu uga adkaaday dalalka Kenya iyo Burundi.

Guddoomiyaha GOS mudane C/Laahi Axmed Tarabi oo ka hadlayey guulahan asagoo jooga magaalada Mogadishu ayaa ku tilmaamay kuwa lagu farxo mudana in lagu amaano XSK Kolayga madaxdiisa, macalimiinta xulka qaranka iyo cayaartoydaba.

“Waxaan muddo badan soo ahaa macalin ayadoo lagu naaloonayo nabadgelyo iyo taageero dawladeed waxaanse qirayaa in guulahan la gaaray aysan ku imaan fudayda balse dadaal iyo karti dheeraad ah oo ay muujiyen xiriirku ay ku suuragaleen waana ugu hambalyeynayaa anigoo ku hadlaaya magaca xubnaha GOS iyo guddigiisa fulinta intaba” ayuu yiri guddoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi oo asaga laf ahaantiisu ka mid ahaan jiray macalimiintii xulka qaranka kubadda kolayga.

Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax oo aan la xariiray asaga oo ku sii jeeda magaalada Dar el Salam ee dalka Tanzaaniya si uu ugu biiriyo xulka qaranka taageeradiisa ayaa sheegay in ay sharaf u tahay GOS iyo asagaba in uu kala qaybgalo xiriirka iyo walaalaha kale ee taageeraya xulka cayaarta berrito ay uga hortagi doonaan xulka Rwanda si ay ugu muujiyaan taageerada buuxda ee GOS u hayso xulka qaranka iyo XSK Kolayga intaba taasoo ka turjumaysa wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa GOS iyo xiriirada xubnaha ka ah.

“ Waan ku faraxsanahay in aan qayb ka noqono dadaalka loogu jiro sare u qaadida kubadda kolayga dalka gaar ahaan xulkan da’yar ta ah ee wacdaraha ka dhigaya Tanzaaniya, guddiga olimbikada Soomaaliyeedna goob joog ka ahaado anigoo matalaya waxaanan hubaa in guulahan iyo kuwa kale oo soo socdaba ay ka tarjumayaan dadaalkii GOS iyo xubnaheedu ugu jireen sidii loo horumarin lahaa sport ga dalka” ayuu yiri xoghaye Duraan Axmed Faarax oo ku sii jeeday Dar el Salam

Xulka qaranka kubadda kolayga ayaa burrito cayaar aad u adag kana mid ah cayaaraha Semi-final ka ah uga hortagi doona xulka Rwanda ayagoo haddii ay ku badiyaan cayaartaasina u soo gudbi doona cayaarta kama dambaysta ah markii ugu horeysay muddo ka badan 25 sanadood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.