Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kooxda K/Gacanta Dekedaha oo ka badiyay Heegan + Sawirro

0
Saturday February 02, 2013 - 15:02:13 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda K/Gacanta Dekedaha oo ka badiyay Heegan + Sawirro

    Waxaa shalay ka dhacday garoonka 1da Luuliyo ee magaalada Mogadishu cayaar ka tirsanayd koobka horyaalka 13 aad ee kubadda gacanta ayna daawashadeeda u soo daawasho tageen taageerayaal aad u buuxdhaafiyey garoonka iyo waliba madax ka tirsan wasaaradd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay ka dhacday garoonka 1da Luuliyo ee magaalada Mogadishu cayaar ka tirsanayd koobka horyaalka 13 aad ee kubadda gacanta ayna daawashadeeda u soo daawasho tageen taageerayaal aad u buuxdhaafiyey garoonka iyo waliba madax ka tirsan wasaaradda iyo hay’adaha Sport ga dalka ayna isga horyimaadeen labada kooxood ee naadiyada Dekedaha iyo Heegan.

Cayaartan oo ahayd mid ka mid ah kuwii ugu daawashada badnaa ayna labada kooxood soo bandhigeen cayaar wanaag iyo asluub aad u heersaraysa ayaa waxaa ay astaan aad u wayn u ahayd soo kabsashada cayaaraha dalka ayadoo horyaalka kubadda gacantu uu ahaa sanadkan mid ka xiisa badan sanidihii hore cayaartoyduna soo bandhigayeen farsamo aan horey loo arag maadaama garoonkuna xiligan yahay mid dib u habayn casri ah lagu sameeyey.

Cayaartan ayaa sida aad ka dareemi kartid natiijadeeda waxaa ay labada kooxood ahaayeen kuwa si aad ah isugu dhaw uguna hardamayey sidii ay mid waliba guusha ku hantin lahayd waxaase ay gabagabadii cayaarta guushii 19 dhibcood ku raacday kooxda Dekedaha halka kooxda Heegan na ay keentay 18 dhibcood.

Guddoomiyaha XS ee kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan oo ka hadlayey sida uu u arko habsami u socodka horyaalkan 13 aad ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka uu u socdo horyaalkan uuna uga mahadcelinayo kooxaha xubnaha ka ah xiriirka kana qaybgalaya tartanka cayaartoydooda iyo maamulkoodaba kuwaasoo soo bandhigay cayaaro soo jiitay indhaha shacabka soomaaliyeed oo muddo badan u oomanaa tartamo tayo leh oo ay si nabad ah u daawadaan, wuxuuna dhinaca kale amaan aan la soo koobi karin u jeediyey garsoorayaasha suuragelinaya in cayaaruhu noqdaan kuwa xiisa badan isla markaana muujinaya xirfaddooda garsooranimo.

Garoonka shalay oo ahaa mid aad u camiran isla markaana tira intaasi ka badan oo dad ah ay banaanka ka joogeen ayaa waxaa dhinaca kale ka mid ahaa dadkii u soo daawasho tagay cayaartan wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta adeega bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (B-Goobe), Guddoomiye ku-xigeenka GOS Ibraahim Shaamow, Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax, guuddoomiyayaasha xiriirada K Gacanta Maxamed Xuurshe, K kolayga Ibraahim Xuseen Roombo,Gud ku xigeenka cayaaraha Fudud marwo Khadiija Daahir iyo martisharaf kale oo ay ka mid ahaayeen dad mansab iyo magacba ku leh bahwaynta sport ga Soomaaliyeed oo aan ka xusi karno guddoomiyaha jiilka cusub Cabdigani Jeenyo iyo martisharaf kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.