Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Ibraahim Roombo" Guul Taariikhi ayaa laga soo Hooyay FIBA Zone V".

0
Saturday February 02, 2013 - 15:29:34 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ibraahim Roombo" Guul Taariikhi ayaa laga soo Hooyay FIBA Zone V".

    Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [ Roombo] ayaa xusay in guul taariikhi laga soo hoyay ciyaarihii Zone V ee Koobka Isreebreebka qaramada qaaradda Afrika, kaas oo xulka wiilasha Kubadda Koleyga uu sheegay inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [ Roombo] ayaa xusay in guul taariikhi laga soo hoyay ciyaarihii Zone V ee Koobka Isreebreebka qaramada qaaradda Afrika, kaas oo xulka wiilasha Kubadda Koleyga uu sheegay inay ka keeneen guul iyo sharaf u soo hoyatay guud ahaan bahda isboortiga gaar ahaanna Kubadda Koleyga dalka. Guddoomiye Ibraahim Roombo ayaa isagu muujiyay in iskaashi balaaran ay ku timid guusha la gaaray wuxuuna xusay inuu u Mahadcelinayo inta kala qeybqaadatay Xiriirka taabagelinta ka qeybgalka ciyaaraha Zone V ee ka dhacay dalka Tanzania, sidoo kale wuxuu tibaaxay in XSKK ku tashan doono Xiddigihii guusha lama iloobaanka horseeday. "In Ciyaaryahano awood sare muujisay garoonka aan la shir-tagno Semi-Finalna soo tiigsadaan waxay ku timid iskaashi ku dheehan wadaniyad, hiil iyo hooba, waxaan rajeynaynaa in mar walba aan muujino ka xiriir ahaan wadashaqeyn sareysa oo aan la yeelano dadka jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waad la socotaan Xiriirka wax dhaqaale kama helo Xiriirka Caalamiga FIBA, ma jiraan meel uu XSKK si rasmi ugu tashan karo marka Xulka Qaranka uu ka qeybgalayo Tartamada Caalamiga. Laakiin waxaan hubaa haddii si wadajir la isku kaashado sida tan aan dhowaan ka qeybgalnay oo kale natiijo wanaagsan ayaa noo soo baxaysa, waana ku talinayaa in sharafta Kubadda Koleyga u baahan yahay in loo wajaho iskaashi ka yimaada dal iyo dibadba - Dhanka kale waxaa ii farxad ah inaan wax yar ka hor aan FIBA AFRICA ka helnay warqad Hambalyo ah iyagoo muujinaya sida wanaagsan ee uu ka qeybgalkeenu ahaa iyo xiisaha xulka Kubadda Koleyga Soomaaliya ay u yeeleen guud ahaan Tartankii ZONE V ee socday 21-26 Janaayo 2013" Sidoo kale waxaa guul Taariikhi ah Record-kii galay diiwaanka [FIBA HERITAGE RECORDS] ee uu dhigay ciyaaryahan Faysal Jaamac, ciyaartii 11aad ee Soomaaliya kaga Hortimid Rwanda oo uu xaqiijiyay hal kulan 59 dhibcood, iyadoo hore uu u haystay Rikoorkan ciyaaryahan reer South Korea ah laguna magacaabo Hur Jae oo isagu dhaliyay 54 dhibcood hal kulan" ayuu Guddoomiyaha XSKK ugu warbixiyay saxaafadda. Si kastaba, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [ Roombo] ayaa ugu baaqay bahda Isboortiga ee jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliya inay muujiyeen isku-xirnaan, isla markaana gacanta ay ka geysteen ka qeybgalka ciyaarahii [Zone V] ay sidoo kale gacan lixaad leh ka geystaan kuwa kale ee ku soo fool leh. wuxuuna tibaaxay in xiriirkiisu dhabarka u xiranayo horumarinta Kubadda Koleyga marxalad kasta oo uu dalku marayo uuna diyaar u yahay mar walba wixii talo iyo tusaaleyn ah ee kor loogu sii qaadayo ciyaaraha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.